Hanjabaad kulul oo loo jeediyay Axmed Madoobe iyo Raaskambooni (Warbixin Xasaasi ah).

news

Iftiin Xasan Baasto, oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Kismaayo, ayaa waxa uu Hanjabaad adag u diray Saraakiisha Ciiddamadda Raskambooni ee Daacadda u ah Axmed Madoobe.

Iftiin Xasan Baasto, waxa uu sheegay in Dagaalka ay sii wadi doonaan inta Ciiddamadda Raaskambooni ay ka joojiyaan Weerarada ay ku hayaan goobaha ay ku sugan yihiin Ciiddamadiisu.
‘’Dagaalka wuu soconaaya haddii ay joojin waayan Weerarada ay wadaan Ciiddamadda Raaskambooni, xilli hore ayan isku tashtay, wax waliba ee ka imaada dhanka Axmed Madoobe diyaar ayan u nahay’’

Isaga oo intaa kasii ambaqaadaya Iftiin Xasan Baasto,waxa uu yiri ‘’ Saraakiisha Axmed Madoobe waxa ay baahiyeen in Dagaalka ay kamid yihiin Alshabaab, balse waxan cadeynaaya in Dagaalka uu yahay mid u dhexeeya Shacab u adkeysan waayay dhibaatada uu Axmed Madoobe ku haayo Shacabka. Mida xigta Dowladda iyo Alshabaab isma keeni karaan, waxa ayna Saraakiisha Axmed Madoobe sheegen in dagaalka ay wada galeen Ciiddamadda Dowladda oo garabsanaaya Alshabaab’’ sidaa waxaa yiri Iftiin Xasan Baasto oo la hadlaayay Telefeshinadda.

Iftiin Xasan Baasto, waxa uu sheegay ineysan joojin doonin Dagaalka ilaa iyo Magaallada Kismaayo laga saaro Axmed Madoobe iyo Ciiddamadiisa.

Ugu dambeyntii, Iftiin Xasan Baasto, waxa uu ku baaqay in joojinta Dagaalka ka hor Axmed Madoobe iyo Ciiddamadda Raaskambooni banaanka looga saaro gudaha Magaallada haddii arrinkaasi la waayana ay dagaalka sii wadi doonaan.

Salaanmedia/Mogdisho