Hees ciyaartooyda daad-madheedh…Maxamuud Cismaan Faarax( Moholin )

 

image 

Hees  ciyaartooyda daad madheedh  16 / 6 / 2013

waxa aan leeyay hanbalyo ciyaartooyda daad madheedhy

ciyaarihiinoo dhan  waa guul wa guul waa guul

 

Dulqaad udhalasho

Dardar ciyaareed

Darbad midaysan

Ka daali waagaan

Dib uuga laaban

Waa daad madheedh

.

Ka daadaheeya

Orod la duulee

Daqiiqad kooban

Ku taagan diilin

Dhammaan ku daaleen

Waa daad madheedh

.

Dad weynaheenu

Ka uu durbaan iyo

Sacabka diiran

Dabaaldeg dhiiran

Ku deeqa yaan,na

Waa daad madheedh

.

Baarqabka doobyiyo

Danbar ka geeliyo

Barbaar diyaaroo

Daryeela hawshiyo

Difaaca qaraqnba

Waa daad madheedh

.

Dahab kan yaalla

Usoo  dadaalaa

Dushiisa saaree

Ugu duceeyoo

Darkii la geeyaa

Waa daad madheedh

Waa daad madheedh

Waa daad madheedh

 

Qore .waa .maxamuud cismaan faarax( moholin )