Horumarka Dekadda Berbera Samaysay xiliyadan u dambeeyay

Horumarka Dekadda Berbera Samaysay xiliyadan u dambeeyay

June 4th, 2013 Comments Off

Maareeyaha Cali Cumar Maxamed markii uu la wareegay xilka ama maamulka Dekedda berbera waxa yaalay wax fara ku tirisa,maanta waad arkaysaan halkay taagan-tahay oo wuxuu isku dayayey inuu wax badan ka bedelno, dhinaca tayeynta shaqaalaha qalabaka shaqada,Dhismayaasha,iyo Xafiisyada,taasina waxay keentay in bulshada reer Berbera intooda badani ay u shaqo tagaan Dekeda oo ay ka helaan nolol maalmeedkooda.

Haddaba Cali Xoor Xoor ,marka aynu hoos u eegno ama qiimayno wax-qabadkii faraha badnaa ee dhinaca horumarinta arrimaha, bilicda Dekedda magaalada Berbera ,hagaajinta waddooyinka, dhismayaasha iyo qalabka noocyadiisa kala duwan ee uu qabtay dib u eegno Waxay cid kastaa og-soontahay oo ay marag ka tahay gaar ahaanna dadka aqoonta leh ee wax cabira in aan qofna hal maami Karin horumarka iyo kartida muuqda ee Maareeyaha Cali Cumar ka hirgeliyey Dekedda magaalada Berbera .), taasina ay tahay sababta aan u jeclaan lahaa shaqsiyan kuna talin lahaa in uu Cali ahaado Maamulaha Marsada Berbera, inay tahay wax-qabadkii muuqday ee uu sameeyey Mudadii uu xilka hayey.

Eng. Cali-Xoor Xoor oo ugu horeyn ka hadlaya sida ay dekedu u shaqayso waxa uu yidhi “Waxa aanu u shaqaynaa si taabo-gal ah, oo farsamaysan iyo nidaam dakadeed oo dhamaystiran ayaanu ku shaqaynaa, wixii hawl ah ee dekeda yimaada iyo wixii ka dhoofaya wixii soo degaya, dejintooda, raristooda, nidaamintooda , sida ay u shaqaysana ma soo koobi karo, 24-ka saacadoodna way shaqaysaa.”

Maareeyaha Dekeda Berbera oo ka hadlayay Dekedada halka ay maanta marayso waxa uu yidhi “Dekeda waxaanu soo gaadhsiinay heer deked caalami ah oo Soomaali oo dhan u shaqaysa si ay u noqoto ayaanu soo gaadhsiinay, qalabkeeda iyo tababarka shaqaalaha halka ay marayso maanta waa meel aad u saraysa, shaqaaluhuna dhinaca aqoonta way ka dhisan yihiin oo waxa aanu la tartamaynaa Dekedaha caalamka”.

Maareeyuhu isaga oo ka hadlaya Qorshaha horumarinta Dekeda waxa uu yidhi “Waxa noo qorshaysan in dekeda la dhiso oo dib u habayn casri ah lagu sameeyo, oo la kordhiyo , mar kasta Dekedu way buuxdaa oo badeecadaha soo degayaa way soo badanayaan weliba wakhtigan, markaa waxa aanu u raadinaynaa maalin gelin Dekeda iyo in deked kale laga ag dhiso”.

Waxa kale oo uu maareeyaha dekedda berbera uu sheegay in hada lagu soo kordhiyey qalab Cusub oo ay ku soo kordhiyeen qalabka farsamadda ee dekeda qalabkaas oo ah qalabka lagu rogo koontenarada oo Sida uu sheegay ay aad ugu baahnaayeen wax badana ka tari doona rogida koontiindharadda oo iyagu imika ah kuwa ay ganacsatada oo dhami ku soo xafidaan badeecadohooda kala duwan,

Maareeyaha ayaa sheegay inay tani bilaw u tahay talaabooyin ay xukumad ahaan ku doonayaan inay wax kaga qabtaan horumarinta iyo casriyiinta Marsada dekedda berbera.

En.Cali waxa kale oo intaasi raaciyey in ay sameeyeen Adeeg cusub oo ay kula soconayaa dhaqdhaqaaqa Maraakiibta iyo Doonyaha xiliga ay tagayaan iyo kuwa imanayaa xilliga ay ku soo beegan yihiin. Waxa kale oo uu sheegay Maareeyuhu inay sameeyeen goobo loo yaqaanno Free soon (meelo cashuurta ka caaggan) oo laga kireeyo qofka ganacsadaha ah ama wax ha dhoofinayo ama wax halla soo degayee, taasoo sharci gaar ah lagu maamulayo, hase ahaatee, maamul ahaan Dekadda hoostagta oo uu tilmaamay inaanay Dekadda Berbera markii hore lahayn. Maareeyaha Dekaddu waxa kale oo uu tilmaamay inay u qorshaysan yihiin tallaabooyin badan oo lagu horumarinayo adeegyada guud ahaan ay Dekaddu bulshada u hayso dhinac kasta oo laga eego.

Dhanka kale waxa iyaguna jira “Qalab badan oo aannu waxna dayac-tirnay, waxna keennay, waxa ugu muhiimsanaa Wiishahka oo aanu qaarna dayac tir ku samayney kuwo kale oo cusub aanu keensanay ,Waxaanu iyagana kordhinnay Wiishashka Kontiinerrada qaada. Waxaannu soo kordhinnay jiidayaasha Dekadda

rogista rarka Doonyaha Dekadda ku soo xidha, isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Waxaannu samaynay qayb u gaar ah Doonyaha oo runtii cabasho badani ka taagnayd, taasina waxay keentay Doontii 12-ka Maalmood lagu rogi jiray in lagu rogo Afar maalmood oo keliya. Waxaannu wax badan ka qabannay dib-u-dhiska Dekadda oo meelo ka mid ahi ku dhawaadeen inay Xagga badda u dhacaan, illaa 254 Mitir ayaannu dhammaynay oo maanta Dekadda kale ka qurux badan, sidoo kale markii aannu taas dhammaynay waxaannu bilawnay inaannu wixii kabkab u baahnaa ee qaybaha Dekadda inaannu samayno oo aannu dhammaystirno. Waxaannu imaka gacanta ku haynaa meel Koontiinarrada Dekadda yaalla la dhigi karo. Dekaddeennu waa saddex Dekadood oo isku jira, Dekaddii Xoolaha, Tii Kontiinerrada iyo Dekadda Kaargooga.”

Hadaba Waxaan shaki ku jirin in baryahan dambe ay soo baxeen war xumo tashiil ku qanacsan mijin jaada oo caado ka dhigtay oo wax ma garato ahi ku dhaliili jireen ama eedaynayeen waxbuu cunay oo hantidii ayuu iibsaday waa kuwan maanta u soo yaacaya,

Hadaladaas ka dhigan kuwo xaasid nimo aan meelna aan loogu soo gaban oo iska cad u jeedadeedu.haddaba,waxaan leeyahay bulshooy cali , ma gayo manuu mutaysan maanta hadallada deelqaafka ah iyo Gardarada aan geedna loogu soo gaban

Waxa mudooyinkan dambe aad iyo aad ugu soo badanaya qaar ka mida Saxafadda madaxa banaaan qoraalo ka been sheegaya wax qabadka muuqda ee ay hirgaliyeen maamulka sare dekeddu.”sidaa daraadeed waxaanu leenahay Qoraalka Daneystahu Waxba yeeli maayo kartida,Wax qabadka iyo horumarka uu sameeyey maareeyaha dekedda berbera Md.Cali Xoor Xoor

Axmed M.Maxamuud

kobciye999@hotmail.com