War Deg Deg Ah Tikniko badan oo loo diray Goobaha uu ku dhuumaaleesanayo Sheekh Xasan Daahir si loo soo qabto

index

Wararka aan ka heleyno Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegaya in galabta Magaaladaasi ay ka baxeen ilaa 15-gaadhi oo nuuca Dagaalka ah uuna Hor kacayo Madaxweynaha Maamulkaasi ,kuwaa oo ku baxay goobo lagu tuhmayo in Sheekh Xasan Daahir Aweys ku sugan yahay.

Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Nuur Cagafey ayaa Caawa Warbaahinta u sheegay in Ciidamo tiro badan oo wata ilaa 15-gaadhi oo Nuuca Dagaalka ah uuna Hogaaminayo Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb ay ku baxeen Deegaano katirsan Maamulkaasi oo la tuhmayo in ay soo gaareen saacado kahor Ciidamo uu watao Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Xagafey ayaa intaa ku daray in Ciidamadaas la qorsheeyay in ay dagaal kala hor tagaan Ciidamada uu Wato Sheekh Xasan Daahir Aweys ama ay gacanta kusoo dhigaan maadaama Deegaanada Ximin iyo Xeeb soo galeen iyaga oon wax ogolaansho ah ka heysan Maamulka.

Waxa kale Afhayeenka uu ka hadlay hadal Maanta kasoo baxay Maamulkooda oo ahaa in Deegaanada ay maamulaan uusan Soo gadhin Sheekh Xasan Daahir iyo Xerta la socota waxa uuna sheegay in ka maamul ahaan ka war heleen in galabtii 10-kii ay soo galeen Deegaano katirsan Ximin iyo Xeeb Sheekh Xasan daahir iyo Rag la socda hadana lagu maqab yahay in dagaal looga hor tago ama nolosha lagu soo qabto , waxa uuna intaa ku daray in deegaanka lagu tuhmayo ayna kasoo galeen in uu yahay Deegaanka Qosol Tire.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo baxsad ka ah Amiirka Al-Shabaab ayaa isaga iyo Saraakiil iyo Ciidamo lasocota waxa ay la yihiin meel ay jaan iyo cibidh dhigay si ay uga bad baadaan Amiirka Al-Shabaab iyo dhinacyada kale ee kasoo horjeeda Siyaasada Sheekh Xasan Daahir.

Warar kale aan helnay ayaa sheegaya Deegaano iyo Degmooyin katirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu Sheekh Xasan Daahir Magan galyo weediistay balse ay ku gacan seereen Qabaa’ilada Deegaanadaasi dagan kuwaa oo ku war galiyay in uusan imaan Karin Deegaanadooda.

Waxaa sidoo kale oo in Ciidamada Ximin iyo Xeeb ee ku baxay Deegaanada lagu tuhmayo Sheekh Xasan Daahir Aweys in qorshahooda yahay in ay soo galbiyaan Sheekh Xasan Daahir iyo Saraakiisha la socoto si Garoonka Cadaado looga dhoofiyo una gaaraan Dalka Qadar oo Warar horey usoo baxay sheegayeen in uu doonayo Sheekh Xasan Daahir in Magan galyo weeydiisto ama wada hadal u furto isaga iyo Dowlada Soomaaliya.

Waxii Warar ah ee amuurtan kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Salaanmedia/Mogdisho