Maayarka Lughaya Oo Ka Dayriyay Xaalada Nololeed Ee Deegaanada Hoos Yimaada Degmadaasi

Jun 30,2012 Lughaya(SM) – Masuuliyiinta degmada Lughaya ayaa socdaal qaatay mudo 15 maalmood ah ku maray inta u dhaxaysa xuduudaha degmada ee dhinaca cadceed soobaxa xeebta ilaa dacalka cadceed dhaca ee buuralayda, socdaalkan u kuur-galka nolosha degaanka ah ayaa waxa hogaaminayay  Maayarka degmada Lughaya Md. Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood waxana ku wehelinayay xoghayaha degamada Lughaya Cabdi Xirsi Muuse, Agaasime waaxeedyo dawlada degaanka Lughaya ah iyo Xildhibaano ka tiran golaha degaanka ee degmadaas.

 

Maayar Dixood, oo maanta ku sugan degaanka Gargaara, walina aanan  gaadhin xaruntii degmada ee Lughaya ayaa khadka taleefanka kula soo xidhiidhay shabakada, waxana uu sheegay in ujeedada uu safarkan u sameeyay ay tahay sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen xaalada noloha ee dagaanka, waqtigan oo ay fooda nagu soo hayso bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Maayar Dixood, waxa uu ka dayriyay nolosha dadka degaanka Lughaya oo aan kala hadh lahayn, waxana uu yidhi “ Waxa aan safar ku maray min xeeb ee ilaa dacalka Buuraha ee degmada, waxa aan arkay waa wax argagax badan, noloshu way adag tahay, dadku way tabar daran yihiin, kulayl XAGAA oo aad u darana waa u dheer yahay, xoolahii ku madhay abaaraha wali kama soo kaban dadku, waanay sii muuqdaan raadkii ay ka tageen abaaruhu, dadka barakacsan ee degaankaasina ma helin dib u dajin iyo gargaar ku filan midnaba”.

Maayar Dixood, waxa kale oo uu aad uga dayriyay sida ay nolosha dadka degmadu noqonayso marka ay u mataanoobeen Kulaylka ba’an ee ka dhacaya xeebaha iyo bishii Ramadaan oo fooda nagu soo haysa, waxana uu gargaar ka dalbaday dadka jecel inay wax bixiyaan iyo hayadaha gurmadka waxana uu yidhi “ Waa xaal aad u adag midka haysta dadka degmadu, waxana ugu sii daran bishii barakaysnayd ee RAMADAANTA oo ku soo beegantay waqti XAGAA ah oo kulayl ba’ni dhacayo iyo duruufihii kale ee nolosha oo degmada gabi ahaanba ah kuwo ka madhan ama gabaabsi ah, sidaasi aawadeed waxa aan xukuumada, hayadahaha caalamiga ah iyo dadka jecel inay khayrka wax ku bixiyaanba ka codsanaynaa inay dadka degaanka ka soo taageeraan sidii bishaasi RAMADAAN ay u soomi lalaayeen, iyaga oo soo gaarsiinaya gurmad LAMA HURAAN AH”.

Si kastaba ha ahaatee xaalka degmada Lughaya ee dhinaca nolosha ayaa waxa uu yahay mid marar badan laga dayriyo, waxana aad u yar inta badan gurmarka soo gaadhay si wax looga qabto amuuramahan, tani badalkeedana waxa aad u badan qaylo dhaanta ka soo yeedha dadka degaanka iyo Masuuliyiintooda, waxana hubaal ah in inta badan ay qaylo dhaantoodu ku dhacdo meel cildo ah ama anay sidii laga filayay u gudbin baaqyadaasi qaylo dhaanta ah madaxda iyo xildhibaanada xukuumada iyo golayaasha ku matala deegaankan, marka laga reebo jawaab ay ka soo celiyaan dad tiro yar oo u badan qurbojoog.

Wariye: Maxamed Cabdilaahid Dabshid.

SM Borama Office.