Madax-dhaqameedka AYUUB Oo Madaxweynaha Ku Bogaadisay Inuu Beeshooda Ku soo daray G/Wasiirrada

HARGEYSA (SM)- Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka beesha AYUUB, ayaa Bayaan ay caawa ka soo saareen Magaaladda Hargeysa waxay Madaxweynaha Somaliland ugaga mahad celiyeen inuu beeshooda u magacaabay Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga Md. Cabdi Daahir Camuud.

Madax-dhaqameedka Beesha AYUUB waxay ku sheegeen Bayaankooda in ay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ay la garab taagan yihiin Taageero balaadhan.

Bayaankaasi oo nuqul ka mid ahi uu na soo gaadhayna waxa uu u dhignaa sidan:-“Annaga oo ah Salaadiinta,Boqorrada iyo Cuqaasha Beesha Ayuub, waxaanu hamblyo iyo bogaadin u diraynaa madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isku shaandheynta uu ku sameeyay Golihiisa Wasiirrada isla markaana uu ka qeyb geliyay Beesha AYuub Golaha Wasiirrada isla markaana uu magacaabay xubintii ku haboonayd.

Madaxweyne waxaanu si sharaf leh kaaga mahad celinayaa inaad Wasiir Ku xigeenka Gaashaan-dhiga u magacowday masuul ka soo jeeda Beeshayada oo ah Md. Cabdi Daahir Cammuud. Waxaanu xushmad u haynaa inaad beeshayada ku soo dartay Golaha Wasiirrada oo aanu hore uga maqnayn ama aanaan cid ku lahayn.

Mudane Madaxweyne waxaanu kuu balan qaadaynaa haddii aanu nahay madax dhaqameedka Beesha Ayuub Inaanu kula garab taagan nahay taageero balaadhan. Aad iyo aad ayaanu ugu kalsoon nahay Hoggaamintaada wacan.

Waxa kale oo aanu dhammaan Wasiirrada cusub ee la magacaabay leenahay ILAAHAY ha idiin fududeeyo masuuliyadda qaran ee madaxweynuhu in saaray.

Magacyadda Madax-dhaqameedka Bayaankan soo saaray

1-Suldaan Daahir suladaan Aamin, Suldaanka Guud ee beesha ayuub
2-Boqor Cali Kaahin
3-Suldaan Maxamed Xuseen(Suldaan Guray) suldaanka Ethiopia ee beesha ayuub
4-Chief Caaqil Aw Aadan Cabdilaahi Cali
5-Caaqil Aw Maxamed Bakayr Aw Aadan
6-Caaqil Cabdi Faarax Xuseen
7-Caaqil Maxamed Cabdi Geelle
8-Caaqil Dheeg Aadan Axmed
9-Caaqil Xuseen Daahir Axmed
10-Caaqil Cabdillaahi Raabi Yuusuf
11-Caaqil Wali Aw Ciise Aadan
12-Caaqil Kamaal Sheekh Maxamed Xaamud