Madax Dhaqameedka Beelaha HY Oo Ka Hadlay Guryo Hargeysa Lagaga Haysto Qoys Agooma Ah

Ceerigaabo-(TogdhNews)-Qaar kamid ah madax dhaqameedka gobolka sanaag oo shir’jaraaid ku qabtay magaalada madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo ayaa ugu horaynba ka war bixiyay xaalada guud ee nabadgelyada gobolka sanaag oo ay carabka ky dhufteen inay gebi ahaanba haatan xasiloon tahay.

Geesta kalena waxay ka hadleen guro laga haysto ilma yuusuf dhuxul oo ah qoys agooma ah guryaahaaso in mudo ahba lagu haystay magaalada hargeysa waxanay fariin adag udireen wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka policeka qaranka iyagoona gaashanka udaruuray fulin la’aanta guryahaasi inay nabad gelyada dhaawici karto sidoo kalena waxay madaxwayne siilaanyo ka dalbadeen in la tix geliyo codsigooda.

Ugu horaynbana waxa halkaasi ka hadlay Boqor Maxamed Nuux Aadan oo wax laga xumaado ku tilmaamay ninkii ugu qaalisaana somaliland in guryihiisi hargeysa lagu haysto
Waxanu Yidhi‘’Waxa ayaan daro ah in ninkii ugu qaalisanaa mandaqadan somaliland guryihii uu hargeysa ku lahaa mudo labaatan sano ah ay ku haystaan ciidamadu xukunadii dib ugu celinta iyo fulintoodiba ay hir geli waayeen iyadoo kuwii agoonta ilma yuusuf jaamac dhuxul markiiba shuruud la’aan loogu soo celiyay’’

Sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay Chef Caaqil Jamac Caaqil Ismaail Muuse oo carabka ku adkeeyay in dawladii siyaad bare ay burburisay qabiil qabiil kale shaadh ka dawlada ugu holada

Waxanu Yidhi ‘’dawladii siyaad bare waxa burburiyay qabiil qabiilka kale shaadh ugu gashaday maamulka dawlada iyo dad hantidooda xoog lagaga haysto marka waxan leeyahay sharcigu ha fulo oo xukumadu shacabka iyo ciidanka ha kala ilaaliso agoontana qayladoodu way nawada gaadhay hada ee nabada yaanay arintaasi wax udhimin’’

Nabadoon Cabdulaahi Beeldaaje oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa dhankiisa madaxda iyo masuuliyiinta xukuumada ugu baaqay in la hirgeliyo xukunada garsoorka

Waxana hadaladiisi kamid Ahaa ‘’Waxan madaxwayne siilaanyo iyo masuuliyiinta xukuumada leenahay hadii xukunka garsoorka fuli waayo maxa dadku maxkamadaha ka tegeyaan ma loo sheego in sharciga askarigu shaqsiyadiisu ka awood badan tahay si cid kastaba wado ay xaqeeda ku raad sato umarto aan ahayn xukunka guryaahaasi ee agoonta ha la fuliyo’’

Shiikh Ciise X.Shire Jama oo isaguna shirkajaraaid ka hadlay ayaa tilmaamay sida mudada xaqdarada loogu haystay guryahaasi dulqaadkeedii dhamaaday waxana uu sheegay in agoontani guryahooda daba jooogeen in le’eg intii somaliland jirtay sidoo kalena waxa uu xukumada hoga tusaaleeyay in dalku caasimada hargeysa aanay ahayn maamulka dalkana si xaq ah dalka loo wada gaadhsiiyo waxan uu maamulka xukumada somaliland xusuusiyay in aan la dhayalsan arinta guryahaasi lana fuliyo xukunadooda

Gaba gabadii shirkaasi jaraa’idna waxa ka hadlay Mujaahid Maxamed Jigraale Waxana Uu Yidhi ‘’Madaxwayne guryaaha hargeysa lagu haysto waxa leh agoon Habar yoonis ah waxana ku haysta dhawr askari oo qorya sita lamana waayin cid qorya kaga dhicisa ee sharcigaanu dhawraynaa waxanuna xuluumada ka codsanaynaa jawaab deg deg ah in nalaga siiyo’’

Guryaha agoonta laga haysto 3 bangalo oo dhisan iyo ku dhowaad 20 balood oo banaa waxana 17/Bishii Sagaalaad ee sanadkii 1998- ayay ahayd kolki maxkamada gobolka hargeysa ay soo saartay amarka fulinta xukunka guryaha yuusuf jaamac dhuxul oo xiligaasi noolaa geesta kalena wasiirka arimaha gudaha iyo madaxwaynaha somaliland ee xukuumada udub ayaa soo saaray wareegto amraysa in guraahaasi dib loogu celiyo qoyskaasi balse dhamaanba amaradaasi kala duwan ayaa noqonaya kuwa aan hirgelin fulintoodana cid gaar ahi hor taagan tahay.

Sikastaba ha ahaate dhowaan ayay ahayd kolkii salaadiinta beelaha Habar-yoonis bari ay arintaasi kala hadleen jananka guud ee ciidamda qaranka uuna balan qaaday inuu arintaasi ka hawl geli doono.

Isku soo wada duubo qoyska ilma yuusuf dhuxul ayaa sidoo kale guryo ku lahaa magaalada muqdisho ee caasimada somalia balse intii xukumada Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud si rasmi ah gacantooda loogu soo celiyay.