Madaxwaynaha Somalia Oo La Sheegay Inuu Warqad Uu U Qoray Xogayaha Guud Ee QM

Madaxwaynaha Somalia Oo La Sheegay Inuu Warqad Uu U Qoray Xogayaha Guud Ee QM Kaga Dalbaday In La Joojiyo Qaabka Diblamaasiyadeed Ee Loola Macaamilo Somaliland

June 4,2013 Hargaysa(SM) Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon uu waraaq ku saabsan in dawladaha ay uga furan yihiin xafiisyada diblamaasiyadeed magalooyinka Hargeysa iyo Garoowe in aanay dawlada Fadaraalka ogolaansho ka haysan oo xafiis yadaasi yihiin kuwo aan sharcigii diblamasiyadeed ee dawladiisa aan soo marin.

Xafiiska madaxwaynha Somalia ayaa la tilmaamay inuu intaa ku daray in xogayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ka dalbanayo in Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa lafteedu ay joojiso waxii hada ka danbeeya in qaabkii diblamaasiyadeed ee hore loola macaamili jiray Somaliland wax laga bedelo oo la joojiyo in shirarka iyo siminaarada Qaramada Midoobay ay ku qabato dawladaha debada ka ah Somalia ee markaas ay Somaliland ku safri jirtay Baasaaboorkeeda hadda wixii ka dambeeya Qaramada Midoobay ay joojiso kana shaqayso in dawladaha ku jirana lagu war geliyo arintaas in haatan Somalia dawladi ka dhalatay oo loo hogaansamo qaraarkii Qaramada Midoobay ay ku cadaysay qaabka ay Somalia ku wajihi doonto oo loo hogaansamo awaamiirta dawlada dhexe ka soo baxda in la raaco.,Warqadan ayaa waxaa kale oo uu madaxwaynaha Somalia ku wargeliyey in la tix geliyo qaraarkii Qaramada Midoobay ee ahaa in Somalia ay hal dal tahay oo aan loola macaamilin dawlado isbarbar yaala oo aan lahayn dawlad dhexe.

Ilo Wareedada Warkan ayaa waxa ay intaa ku darayaan in warqada uu Madaxwaynah Somalia u qoray Qaramda Midoobay ee uu kaga dalbanayo in dawladaha xafiisyada ku leh deegaanada Somaliland iyo Puntland marka hore ogolaansho la soo waydiisto dawlada dhexe ee Somalia, isla markaana dawlada fadaraalku raali ka noqoto waxa ay qabanayaana laga wad hadlo dawlada dhexe iyo dalalkaasi hadii kale dawlada dhexe aanay ogolaan doonin meel ka baxsan caasimada Somalia ee Muqdisho in xafiisyo diblamasiyadeed ay dalal iska samaystaan.

Madaxwaynaha Somalia ayaa la sheegayaa inuu ka soo horjeedo xafiisyada ay dawlada Itoobiya ku leedahay Somaliland iyo Puntland.Qaramada Midoobay oo tix gelinaysa warqadaa uu u qoray madaxwaynah Somalia ayaa durba xafiiska UNDP uu ku war geliyey Somaliland gaar ahaan wasaarada arrimaha dibada warqad ay u qoreen in shir dhawaan ka dhacay dalalka Faransiiska iyo Imaaraadka Carabta oo ay maalgelinaysay Qaramada Midoobay isla markaana looga hadlayey arimaha Budhcad baddeedka in Somaliland aanay ka qayb galin shirkaas isla markaana laga dalbaday in ka qayb galayaashu ay soo qataan Baasaaboorka Somalia oo aan loo baahnayn inay ku dhoofan Baasaaboorka Somaliland.

Madaxwaynaha Somalia ayaa Qaramada Midoobay u sheegay in dawlada Somalia ay xafiisyo ka furatay Somaliland oo lagu sameeyo Baasaaboor Soomaaliga, gaar ahaana magalooyinka Hargeysa iyo Burco si dadka shacabka iyo dawladooduba ugu safraan halkii ay Muqdisho ka tegi lahaayeen in dawlada Fadaraalku usoo dhawaysay una fududaysay shacabkeeda ayuu Xasan Sheekh warqadiisa ku cadeeyey uu xogayaha guud Qaramada Midoobay u qoray.

Salaanmedia Hargaysa

Source haatuf