Madaxweynaha dalka Ghana oo Marti qaad uu Fidiyey Mudane Hussein AL-ishaqi oo qaabilsan qaybta horumarinta Africa iyo Madaxwaynaha Ghana oo Balan qaday

image

London 20Jun13 (SM) Shirkadaha horumarinta ee DVK ee u madaxa ka yahay Mudane Deepak oo u wehelinayo Madaxa horumarinta qaybta Mashaariicda Afrika (African Development fund) ee Hussein AL ishaqi ayaa dhawaan ku tagay socdaal shaqo dalka Ghana sidii looga wada hadli lahaa mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo dalka Ghana.

Mudane Hussein AL-ishaqi oo qaabilsan qaybta horumarinta Africa ayaa kulmo kala duwan la yeeshay Madaxda iyo Masuuliyiinta dalka Ghana oo ugu horeeyo Madaxwaynuhu John Dramani, halkaas oo u ka codsaday in uu martiqaad rasmi ah u fidiyo madaxwaynaha dalka Somaliland ee Mr Ahmed Mohamed Silanyo.Isaga oo Madaxwayne John Dramani ka aqbalay Casuumadaas oo dhaawan la filayo in la gaarsiyo madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxmuud Silaanyo oo noqonaysa Fursad iyo guul u soo hoyatay Dublamasidyiada Somaliland.

Sidoo kale waxa kulamo kala duwan la yeeshay Mr alishaqi oo muwadin Reer Jabuti oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland waxa kale oo u kulamo la yeeshay , Afhayeenka Madaxwaynaha Joe Ghartey Iyo Xoghayaha gaarka ee madaxwaynaha Razak Awudulai, iyo sidoo kale maareeyaha guriga ganacsiga ee Ghana Adjei Baah.

Waxa xusid mudan in uugu danbayntii lagu sagootiyay Mudane Hussein Alishaqi casho sharafeed u martigalay Afhayeenka Madaxwaynaha Joe Ghartey oo ay ka soo qayb galeen  xildhibaanada Barlamanka Ghana  iyo wasiiro  ka tarsan Xukumada Ghana,  halkaas oo laysku waydaarsaday sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta doorka shirkada DVK ka qaadan doonto horumarinta dalkaa iyo dhanka kale doorka siyaasadeed ay ka ciyaari karto Ghana aqoonsiga Somaliland.

Salaanmedia/Hargaysa