Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Cambaareeyay Dil fool xun Oo Habeen hore ka dhacay Xariirad

Boorama, (Salaanmedia.com)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax ayaa socdaal ku tagey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kaasoo la xidhiidha dejinta xaalad la xidhiidha dil habeen hore ka dhacay deegaanka Xariirad.

Sidoo kale shaqaaqada deegaanka Xariirad ayay wararka ka imanayaa sheegayaan in loo xidhay afar ka mid ah cuqaasha deegaankaas, iyadoo bilawgii sanadkan uu sidoo kale halkaas ka dhacay dil noocan oo kale ah, kaasoo loo xidhay cuqaal iyo waxgarad, balse markii dambe xukuumaddu sii daysay.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa markii ay gaadheen dulleedka magaalada Boorama waxay la kulmeen soo dhaweyn diiran, isla markaana waxa loo gelbiyay dhinaca magaaladaas, halkaas markii uu gaadhay waxa uu kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisuba Ugaaska beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo uu gurigiisa ku booqday.

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa ka warbixiyay ujeedada socdaalka uu ku tagey magaalada Boorama, waxaanu yidhi. “Waxaanu anagu ka xukuumad ahaan idiinku nimi inaan soo dhaweyno idin tusnana inaan taageerayno waxa idiin qabsoomay, haddii aad idinku iska saarteen is maan-dhaafkii idiin dhexeeyay, xukuumaddu way taageeraysaa waananu ballan-qaadaynaa midaas.”

Waxa uu intaa ku daray Mudan Saylici, isagoo dhiirigelinaya bulshada reer Awdal. “Waxa kale oo aan rajaynayaa in midnimada aad samayseen ay noqoto mid meesha ka saarta, dulmigii iyo isku tacadigii dhexdiina ahaa, waxa aan rajaynayaa inaad ogsoonaataan in meesha laga saaro, tartankii kala qoqobnaa ee idinka dhex muuqday, haddii tartan siyaasadeed meesha yimaadana aad noqotaan kuwo ku tartama dhinaca waxqabadka iyo yaa ina wadi kara meeshana ay ka baxdo anaa reer hebel ah.”

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil waxa kale oo uu ka hadlay dil ka dhacay deegaanka Xariirad, waxaanu yidhi “Waxaan u tacsiyadaynayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuunkii xalay (habeen hore) lagu dilay Xariirad, waxaan leeyahay waa fal xun oo amniga ku lidi ah, xukuumaddu way tageysaa halkaasi, waxaanay dedaal ka galeysaa sidii xal loo raadin lahaa, si la mid ah sidii ay yeeshay markii hore ee uu dilku ka dhacay Xariirad, waxa loo baahan yahay inaad nabadgelyada adkaysaan, waxa si gaar ah waajibku u saaran yahay odayaasha dhaqanka ee deegaanada galbeedka inay xukuumadda gacan ka siiyaan helida cida gaysatay dilkaasi, haddii ay dhexdiina tahay iyo haddii ay cid kale oo xumo wada oo ku dhex dhuumanaysa tahayba.”

Salaanmedia/Hargaysa