Madaxweyne Ku xigeenka oo ka qeyb galay munaasibada Daah-furka G/ Mihnadleyaasha caafimaadka

Madaxweyne Ku xigeenka oo ka qeyb galay munaasibada Daah-furka G/ Mihnadleyaasha caafimaadka

June 5th, 2013

Hargaysa (SM)Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.Md. C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici ) ayaa maanta ka qaybgalay Munaasibad lagaga oo lagaga dhawaaqay Hawlgalka Gudida mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka Somaliland, taasoo ka dhacday Hudheelka Maansoor ee Magaalada.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka, ka sekow, waxa  ka soo qayb galay Xafladaasi  Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada  Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax. Xubnaha Gudida Qaranka ee Mihnadaha Caafimaadka  , wasiirka wasaaradda Caafimaadka Md. Xuseen Maxamuud Muxumed (Dr Xuseen Xoog), wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil C/llaahi Axmed iyo marti sharaf  kale.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka, oo munaasibaddsi  hadal ka jeediyay ayaa ka waramay doorka caafimaadka Bulshada ay u leedahay sharciyayanta iyo hawlgalka Guddidan oo uu sheegay in ay si rasmi ah haatan u hawlgeli doonto ,isagoo Bulshada u jeediyay in ay gacan buuxda ku siiyaan hawsheeda, ”guud ahaan waxay inoo tahay farxad gaar ahaan aniga faraxad gaara ayay ii tahay, inaanu maanta (shalay) ku dhawaaqno xeerkii inadlayaasha caafimaadka muddo aad iyo aad u badan ayaa lga soo shaqeynayay dardar galin labadii sano ee ugu dambaysay waxaa noo suurtagashay inay saddexda gole ansixiyaan madaxwaynuhu saxeexo maantana ay u dabaaldagayno oo uu dhashay o uu anficidoono ummada”.

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md.Baashe Maxamed Faarax oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay sharciga guddidan mudnanta siin doonaan gole ahaan, kadibna dhaqan galintiisa ay dabagal ku samayn doonaan. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. C/raxman C/llaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in hirgelinta Guddida Qaranka ee Xirfadlayaasha Caafimaadku ay Dal ahaan qiimo weyn ku fadhido, waxaanu xusay in ay lagama- maar tahay fulinta sharciga  guddidaas lagu dhisay iyo ku dhaqankiisuba.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu dadaweynaha ku booriyay inay gacan buuxda ka geystaan sidii ay Guddidu u hawsheeda u gudan lahayd”waxa dhamaanteen farxad inoo ah inaan maanta (shaly) daah-fureyno sharcigii mihnadlayaasha caafimaadka, shuruucdana waxa looga jeedaa inaynu wax ku hagaajino aad iyo aad ayay cabashadeenu u badan tahay shacbiga Somaliland wixii khaldan waa la wada arkayaa oo indhaha lagu hayaa, waxaana loo baahanyahay in la saxo”ayuu sheegay  Madaxweyne ku-xigeenku

Salaanmedia/Hargeysa