Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasiru Dawle Cusub U Magacaabay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

Wednesday, June 26th, 2013 | Posted by

Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasiru Dawle Cusub U Magacaabay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

June 26,2013 Hargaysa(SM) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Magacaabay Wasiiru dawle cusub oo loo sameeyay Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1854/062013 ku magacaabay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland,

Salaanmedia/ Hargaysa Office