“Madaxweyne Waad Asiibtey, Oo Waan Kugu Hambalyeynayaa Inaad Wasiirka Warfaafinta U Magacowdid Cabdilaahi Cukuse” Siciid Cawil Axmed-Xajiin

“Madaxweyne Waad Asiibtey, Oo Waan Kugu Hambalyeynayaa Inaad Wasiirka Warfaafinta U Magacowdid Cabdilaahi Cukuse” Siciid Cawil Axmed-Xajiin
cukuse

Hargeysa(SM):- Aniga oo ah Siciid Cawil Axmed-Xajiin oo ku hambalyeynayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyno) Isku-shaandheynta iyo isku bedelkaiyo magacaabista uu ku sameeyey qaar ka mida Golihiisa Wasiirada,, isaga oo ku tilmaamay isku bedelka inay tahay sune xukuumadeed.
Sidaa waxa uu Sici

“Waxaan ku hambalyeynayaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Isku shaan-dheynta uu caawa ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, kaas oo lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay caawa niskii danbe madaxtooyada Somaliland, waxaanan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hore u ahaa Wasiir kuxigeenka Wasarada Warfaafinta, Wacyigelinta.

Waan hubaa oo wuu ku haboon-yahay Cabdilaahi Cukuse shaqada Wasaarada Warfaafinta ee uu madaxweynaha Somaliland u magacaabay, oo waa nin khibrad iyo aqoon saxafadeedba leh oo weliba ah af-tahan iyo dad isku-wadid,waxaan leeyahay xilka aad u magacowday madaxweyne waad asiibtey waanad ku mahadsan tahay.

Waxaan ilaahay uga baryayaa Wasiirka Cusub ee warfaafinta inuu xilka cusub ee loo magacaabay Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ILAAHAY u fududeeyo,”

Siciid Cawil Axmed-Xajiin
Cawil.siciid@gmail.com
Mobile: 4241057