Magaalada Addis ababa ayaa waxay noqotay hoyga ugu weyn ee Tahriibayaashu marinka ka dhigteen iyagoo u sii talaabaya dhinaca Dalalka Sudan iyo Liibya.

Magaalada Addis ababa ayaa waxay noqotay hoyga ugu weyn ee Tahriibayaashu marinka ka dhigteen iyagoo u sii talaabaya dhinaca Dalalka Sudan iyo Liibya.

941101_552836011422033_1562233610_n

Kumanaan Tahriibayaal ah reer Soomaliland iyo soomaliya ayaa iminka ku sugan Addis ababa kuwaasi oo garab ka hela niman loo yaqaano Mukhalasiin ama Tahriibiyaal oo lacag ka qaata Dadka Socdaalaya waxaanay Mukhalasiitani yihiin qaar kala garanaya Jidadka ay marayaan, sidoo kale Mukhalasiintu waa niman badankoodu Afka Xabashiga yaqaana waxaanay mar walba helis u yihiin Xadhig wallow badankoodu Xidhiidh la leeyihiin niman Dawlada Ethiopia u shaqeeya oo Qaarkood Soomali yihiin.
Iyadoo ay sidaa tahay ayay hadana Dawlada Ethiopia si joogta ah u badashaa Ciidamada uga shaqeeye goobaha ay Dadka Socdaalayaa ay sii maraan
Waxa Qofka Socdaalayaa ee ka baxaya Magaalada Addis ababa ilaa Xadka Sudan ‘Xamriya ama Martaba’ oo ah Labada Tuulo ee Dadka badan koodu ka talaabaan laga qaada lacag dhan ‘$550” oo u dhiganta 950 birr waxaa lacagtaa la dhigaa meel dhex ah waayo hadii qofkaa la soo celiyo Lacagtiisii wuu leeyahay hadii uu talaabo Qofkaasi Mukhalaska ayaa lacagta qaata
Iyadoo jid marka Jeebka Qofku uu yahay lama huraanMagalada Addis ababa waxa haatan dhex dabaalanaya Kumaan Tahriibayaal ah oo ka dhursugaya siday u bixi lahayeen iyagoo Habeen Iyo Maalinba ay socdaan Tahiibayshu ayay hadana la kulmaan duruufo ba’an oo kala duwan oo khatar galinaya Noloshooda caadiga ahSi kastaa ha ahato balse sida laga war qabo Kumanaan Tahriibayal ah oo Somaliya ayaa ku dhinta bada Midhiteriyanka e u dhaxysa Dalalka Liibiya Iyo Sudaan halka qaar kalena ay ka talabaan Walaw Tahriibku yahay haatan dariiqa kaliya ee Qofku si sharci daro ah ugu gali karo Yurub ayay hadana Somalidu u taqana inay Yurub kaa xigaan Afar talabo oo kaliya oo aad qaado kuwaasi oo ay ku shegaan Dalka Ethiopa Sudaan Liibiya Iyo Talyaaniga oo ta Afaraada mana jiro qorshe ilaa hada wax lagaga qabanyo Tahriibka u meelyaala guud ahaanba Somalida ku madhanaysa Badaha iyo Saxaraha

Addis Ababa_Ethiopia