Maroodi-jeex & Gabiley Oo u Gudbay Wareega Simifinal-ka Ciyaaraha Gobolada Somaliland

image
HARGEYSA (SM)-Xulalka Maroodi Jeex iyo Gebilay ayaa u soo Gudbay Wareega afaraad ee Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee Ka Socda Garoonka Hargaysa Stadium.

Ciyaarta hore ayaa dhex martay Xulalka Gobolada Maroodi Jeex iyo Awdal,Ciyaartan oo ahayd Mid adag ayaa labada Xulba ay soo bandhigeen qaab Ciyaareed Hufan oo ku dhisan Weerar iyo Weerar Celis,hasa yeeshee labadii qaybood ee Ciyaartu ayaa ku dhamaatay Barbar dhac 1 Gool iyo 1 Hal Gool.

Markaas kadib sida uu dhigayo Sharciga Ciyaaruhu waxaa loo dhigay rikoodhayaal amase laad ku laad toos ah waxaanay Guushu ku raacday 4 Gool iyo 1.,Sidaas ayaanu Xulka Gobolka Maroodi Jeex ugu soo Gudbay Wareega Afaraad ee Tartankan.
Geesta kale Ciyaartii labaad ayaa dhex martay Xulalka Gobolada Gebilay iyo Saraar,Ciyaartan oo ahayd Mid adag isla markaana labada Xul u Muuqdeen kuwo is ceshanaya ayaa kala dhashaday hal Gool iyo Gool,Hasa yeeshee daqiiqadihii u danbeeyay ee Ciyaarta ayaa Xulka Gobolka Gebilay ay la Yimaadeen Goolkoodii labaad ee Guusha ku Hogaamiyay.

Maalinta beri ah ayaa waxaa fooda is dari doona Xulalka Gobolada Hawd,Badhan,Selel iyo Daad Madheedh.

Salaanmedia/Hargeysa