Maxaad Ka Taqaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ee Cusub Maxamed Biixi Yoonis Ee Uu Caawa Magacaabay Madaxweyne Silaanyo.??

(SM-Hargaysa) Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland  ayaa ah diblomaasi heer sare ah oo u dhashay Somaliland, wuxuu waxbarashadiisii hoose iyo dhexe ku dhamaystay magaalada Hargeysa, isagoo shahaadada Diploma ka qaatay dugsigii tababarka macalmiinta ee Hargeysa.

sannadahii 1970-naadkii ayuu waxbarasho sare u tagay dalka maraykanka isagoo shahaado sare ka qaatay jaamacadda Harvard University oo uu ku bartay cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna isla jaamacadda Harvard University ee dalka maraykanka ka qaatay cilmiga maamulka bulshada, siyaasadda iyo xidhiidhka caalamig ah.

Maxamed Biixi Yoonis wuxuu noqday madaxii maalgelinta ee Baanka horumarinta Afrika, sannadkii 1999-kii ayaa loo magacaabay agaasimahii fullinta ee hawlgalkii qaramada midoobay ee Lebnon iyo Israel, wuxuuna madax ka noqday xafiiskii qaramada midoobay ee magaalada Televiv ee caasimadda dalka Israel, wuxuu sidoo kale noqday danjirahii xoghayaha qaramada midoobay ee Lebnaan iyo Israel.

Sannadkii 2002-dii wuxuu noqday madaxii haayadda u qaabilsan qaramada midoobay hawlaha nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka beriga dhexe (Israel iyo carabta) UNTSO (United Nation Truce Supervision Organisation), isagoo badanka waxaana sannadkii 2006-dii loo magacaabay ku xigeenka danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan gobolka Darfur, isagoo laba sanno ka dibna noqday ergayga Midawga Afrika iyo Qaramda midoobay iyo ku xigeenka barnaamijka UNMID ee maamulka haayadaha qaramada midoobay ee gobolka Darfur.

Wuxuu leeyahay ku dhawaad 25 Sannadood oo khibrad diblomaasiyadeed, isagoo badanka loo diri jiray goobaha ugu xasaasisan uguna adag dunida, sida Darfur, Israel, Beriga Dhexe iyo Latin Amerika, waxaa la filaayey inuu dhawaan noqdo ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ama madaxa guud ee haayadda UNDP balse wuxuu ka door biday inuu shaqada caalamiga ah ka nasto oo uu dib ugu laabto Somaliland.

Muxuu Ku Soo Kordhin Kara Siyaasadda Arrimha Dibadda  Somaliland.??

Dad badan ayaa aaminsan in haddii Maxamed Biixi Yoonis ku soo biiray siyaasadda Somaliland ay taasi soo dedajinayso in Somaliland aqoonsi buuxda ay bulshada caalamka ka hesho, waxaanay dadkaasi aaminsanyahiin inuu yahay masuul aad looga qiimeeyo bulshada caalamka agteeda, wuxuu badiba la saaxiib yahay hogaamiyayaasha caalamka, jaamacadda Harvard ee dalka maraykanka ayey mar waxay wax ka wada baran jireen madaxweynaha haatan ee dalka maraykanka Barack Obama, wuxuuna ka soo shaqeeyey 22 dawladood oo dunida dacaladeeda ku yaalla.

Inkasta oo uu khiraadaas badan leeyahay, hadana waxay shacabka Somaliland ka sugayaan wuxuu ka qabto siyaasadda arrimaha dibadda, iyadoo caawa uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) u magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, sidoo kale waxaa la filaaya inuu si weyn isugu soo dhaweeyo labada Siyaasi ee hungurigu ka hayo tartanka Xisbiga KULMIYE, labadaas oo kala ah Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale. Dad badan ayaa filaaya mar hadii Maxamed Biixi Yoonis ku soo biiray Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo inuu xal waara ka keenaayo arrinta Xisbiga KULMIYE.

Salaanmedia/Hargaysa/Office.

 

 

Xigasho

somalilandtoday.com

Â