Mid kamid ah Wariyaasha ugu Caansan Soomaaliya oo Maanta loo Magacaabay Xil Muhiim

image

Wareegto ka soo baxday maanta xafiiska raisul wasaaraha xukuumada Somalia Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa afhayeenka raisul wasaaraha waxaa loogu magacaabay Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ka mid ahaa weriyeyaasha mudooyinkan ugu dambeeyey ka dhex muuqday warbaahinta Somalia.

 

Wareegtada ayaa lagu sheegay in maanta wixii ka dambeeya Ridwaan Xaaji Cabdiweli uu yahay afhayeenka rasmiga ah ee xafiiska raisul wasaaraha Somalia.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo markii xilkan loo la magacaabayey ku sugnaa xafiiska raisul wasaaraha Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa ka soo shaqeeyey warbaahino kala duwan oo uu ku jiray telefishinka afka Soomaaliga ku hadla ee Universal oo xaruntiisu ku taalo magaalada London.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili dhowaan madaxweynaha Somalia uu isna afhayeenka madaxtooyada u magacaabay Ing. C/raxmaan Yariisow oo horey xilalka kala duwan uga soo qabtay dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray sanadihii ugu dambeeyey.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska raisul wasaaraha ee lagu magacaabay Ridwaan Xaaji C/wali ayaa u qorneyd sidatan:-

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta u magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ah waaya arag dhanka warbaahinta ah.

Dikreetada magacaabista oo warbaahinta loo qeybiyay ayaa ku taariikheysan June 23, 2013, waxayna u qorneyd sidan hoos ku qoran.

Ujeeddo: Magacaabis Xil

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya

Markuu arkay: Qod. 99-aad Xarfihiisa (A, D, iyo E) iyo Qod. 100-aad ee Dastuurka JFS.

Markuu arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo lana horumariyo xiriirka warbaahineed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Markuu Akhriyey: Taariikh-nololeedka, waayo-aragnimada shaqo iyo aqoonta

la xiriirta warbaahinta uu leeyahay aqoon-yahanka hoos ku xusan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wuxuu xeeriyay

Qod.1-aad

Magacaabis

Waxaa loo magacaabay Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qod.2aad

Dhaqan gelid

Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee dawladda.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Salaanmedia.com
Muqdisho Somalia