Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

NIN KU DILEY DOC KUMA DHIGO Qalinkii Rooda Cusmaan Musawi 09/06/2013

NIN KU DILEY DOC KUMA DHIGO Qalinkii Rooda Cusmaan Musawi 09/06/2013

Published on June 9, 2013 by    ·   1 Comment

HALGANKII LA SOOMAREY

HOOYADII XORIYADIYO

HALKII UU KU HANA GALEY

HORUMAR ISKA DAAYOO

IN HAL CEELA LAGA QODO

NINKII KAA HOR JOOGSADEY

BIYO  KAA HAGRANAYAA

MUXUU KUU HIBEYN LAHAA

 

Dhamaan saxaafada  iyo Akhristayaashaba aad ayaan ugu mahadnaqayaa intaa kadib maqaalkani waa hogol tusaaleyn aan kulahadlaayo dad kooban oo uhanqal taagaaya dulmigii uu diidanaa oo uu u gacan haadinaayo kii sameynaayey waxna ugu bidhaaminaayo dadka deegaanada Howd iyo Hargeysa.

 

Aan u daadago dulucda maqaalkaygane Xisbigu Kulmiye maaha xisbi cusub waaka hogaanka dalka maanta haya ee aynu toban sanadood geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulney inuu mar uun hogaanka dalka qabto ee aynu codkeena daayoo Dhiigeena u shubney  ee aynu inagoo  dhan Rag, haween,dhalinyaro, waayeel, waxgarad, aqoonyahan iyo dhalinyaraba inagoo aan ukala hadhin sibuuxda utaageerney wax aynu qalin iyo hadal toona aynu ku cabiri karno maaha cidkastaana way ogtahey  bal hadaba is waydiiyoo badalkeedii maxaynu abaal ka helney?.

 

Bilowgii dhismihii dowlada markii ladhisey sadexdii dowladeed ee wadanka soomarey waxay aheyd tii aynu ugu liidaney saamigeynu ku laheyn iyadoo aheyd tii aynu ugu tacabka badneyn oo wasaarad qudha laba haaf laga dhigey oo la qeybiyey . Waxaad kaloo aad ufiirsaaa kaalmooyinka wadanka soo gaadha oo aan waxba lagaa soogaadhsiin oo lamoodaayo inaanu deegaankani Somaliland ba aheyn tusaale hadii aynu soo qaadano 160 ceel inkabadan ayaa dalka laga qodey hal ceel deegaankaa lagama qodin oo madaxweyne  Axmed Siilaanyo oo mar uu bookhasho ku tagey Baligubadle ayka codsadeen Suldaan Cumar suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo maayarkii Ibraahim Colaad  ee Baligubadle  ay ka codsadeen in ceelasha la qodaayo deegaankana wax laga siiyo oo xataa uu kala bakheyley inuu ujawaabo.  Dib u xasuuso xiligii doorashada deegaanka ee dowladan siilaanyo qabatey hadaad ka imaado dulmigii guud ee wadanka ka dhacey qofkaastaa uu xasuusanyey in codkaagii dooxa hargeysa lagu gubey .

 

Usoo noqo xisbiga kulmiye waxa uu dhamaadey wada lahaanshihii fikirka iyo mabaadiida ku dhisnaa  kadib shiorkii Burco 2008 markii laba beelood ay ku heshiisey inay ku kaltamaan .Hadaba qolyaha kulmiye ah iyo kuwa usiisocdaba waxaan idin weydiinayaa hal su aal, Kolkii qaabkan kaltamka ah lagu heshiinaayey xageed joogeen?hadaadse joogteen nambarkee ayeynu kaga jirney bal noo sheega?. Maah maah ayaa idhaa ( mar idage alle ha dago laba jeer idagese anaa isdagey)

Waxaan ku soo gaba gabeynayaa tixdan

 

 

HADH DACAARKA GEEDKA AH

HIIRTAANYO GODOBEED

HOOSTIISA LAGU NAQEY

HALAQ IYO ABEENSADU

HOYGA AY KU LEEYIIN

KA UHIILINAAYEE

HADHSADAA MUXUU YAHEY.

 

552342_296291477137376_996021473_n

DHAMAAD




Leave a Reply