Ninkii Sirta Dabagalka Maraykana fashiliyay Ed Snowden oo ka amba baxay Honk Kong

Ed Snowden ayaa soo bandhigay bishan bilowgeedii in ay Wakaalada Aminiga Qaranka Maraykanka (NSA) ay daba gasho ama ay awoodi karto in cid kasta oo Maraykanka gudihiisa iyo dibadiisaba la socon karto telefonkiisa, e-mailkiisa iyo wixii uu internetka ku isticmaalo isagoo arintan usoo bandhigay jariidada The Guardian oo laga leeyahay wadankan UK.

Edward Snowden
Muqaalka Mr Ed Snowden

Ed Snowden ayaa u shaqayn jiray shirikad qandaraas la leh waaxda CIAda ee dalka Maraykanka, isagoo shaqadiisa oo uu mushahar gaadhaya 120 kun oo dollarka maraykanka sanadkii uu qaadanayey sii daayey si uu arintan u fashiliyo. Mr Snowden ayaa haatan markii ay arintu kululaatay ka ambabaxay wadanka Honk Kong ee hoos taga dalwaynaha Shiinaha, iyada oo ay codsatay dowlada maraykanka in gacanteeda loo soo galiyo Mr Snowden.

Arintan oo noqotay arin aad u xasaasi ah ayaa ka hadlaysay brograam lagu magac daray PRISM kasoo awooda siinaya amniga wadanka maraykanka iyo CIAda in ay duubi karaan wada hadalada telephonada iyo alaadaha kale ee isgaadhsiinta siiba kuwa adeegsada shabakada internetka.

Arintan ayaa aad uga cadhaysiisay maamulka wadanka Maraykanka iyada oo ay ka hadleen siyaasiinta Maraykanka kuwa kasoo jeeda labada xisbi ee Republicanka iyo Dumuqraadigaba, iyadoo ku dhaleecenaya Mr Snowden Kha’inwadanimo (treason) iyo hanti dowladeed inuu xaday (government property).

Maxkamada saree ee dambiyada ayaa iyaduna ku oogaysa Mr Snowden labadaa dambii ee kha’inwadanimada iyo tuugnimada iyadoo oo falalkan keeni kara in la xidho Mr Snowden mudo ila iyo 30 sano gaadhaysa, Mamulka dowlada Maraykanka ayaa ka codsaday dowlada Honk Kong in ay usoo dhiibto Mr Snowden lakinsee ay haatan arjigii dib ugu celisay Maraykanka oo ay tidhi arjigan in uu dhamaystirnayn taaso siinaya Mr Snowden in uu ka tabaabushaysto wadankaas Honk Kong isagoo u kacaya magaalada Moscow ee caasimada wadanka ruushka.

 
Warsame Siciid
SalaanMedia UK
London