Odayaasha Haweenkooda qudha ka jaraya oo soo batay iyo nin toorey ku khaarijiyay hooya dhashay sideed caruur ah.

image

Shukri Xaashi Warsame Bashiir oo aheyd hooya dhashay sideed caruur oo sideed bilood jir u yaryahay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa toorey nafta uga siibay ka dibna caruurtiisii goob cidla ah uga tegay seygii ay u dhexday.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deriska la ahaa Hooyada tooreyda lagu dilay oo ku nooleed Kaam ku yaala Koofurta Gaal-kacyo ee gobalka Mudug, odayga ayaa Tooreyda cabaka uga bilaabay xilli cunuga ugu yar ay naas u deynesay isaga oo kadibna dhabarka uga muday Boorsadiisana horay u qaatay Durbadiiba.

Shukri Xaashi Warsame Bashiir ayaa dhaawicii tooreydaasi kasoo gaaray waxa ay ugu dhimatay Isbitaal Gaal-kacyo ku yaala sida ay xaqiijisay islaan deris la aheyd oo war-baahinta la hadashay.

Kaamka ayaa subaxaan waxaa ku sugan sideeda caruurta ah oo aan ehel heysan kadib markii aabahood ka tegay hooyadoodna uu ka dilay iyada oo ay xanaanaynayaan dadka deriska ah.

Lama oga waxa sababay dilka hasa yeeshee haben kahor ayaa Magaalada Beydhabo sidaan oo kale waxaa hooya dhashay sideed caruur ah iyana dilay seygeedii oo xabado ku dhuftay ka dibna is-dilay.

Xafiiska Wararka Salaanmedia.com
Muqdisho-Somalia