Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Si Weyn Loogu soo dhaweeyay

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Si Weyn Loogu soo dhaweeyay 

June 2nd, 2013 

Prof. Samatar Oo Dhunkaday Ciidiisa Hooyo Markii uu ka soo degay madaarka Berbera

Hareysa (SM)-Shirgudoonka Golaha Wakiilada,Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirrada,Madax dhaqameedyo iyo dadweyne Tiro badan ayaa maanta si diiran ugu soo dhaweeyay Madaarada Magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa Aqoon yahan Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland.

Aqoonyahanka ayaa markii uu diyaarada ka soo degay inta uu Jilbo Joogsaday ayuu dhunkaday Dhulkiisa Hooyo ee uu mudada dheer ka maqnaa,waxaana Madaarka Hargaysa ku soo dhaweeyay Xubno Wasiirro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada,Warfaafinta Kalluumaysiga,Beeraha,Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Duulista Hawada,Madaxda Xisbiyada Qaranka,Siyaasiyiin,Aqoon yahano,Madaxdhaqameedyo, iyo Qaybaha Bulshada.

Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Somaliland Mudane C.laahi Jaamac Cismaan Geel Jire ayaa hadal Kooban oo uu Qolka Nasashada ee Madaarka ka jeediyay Waxa uu Sheegay in Xukuumad ahaan ay ku faraxsan yihiin inay dadkiisa iyo dalkiisaba ku soo dhaweeyaan Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo Mudo dheer ka Maqnaa.

Markaas kadib Aqoon yahan Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Sheegay inuu u mahad naqayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo,oo Marti qaadkan u fidiyay waxaa kale oo uu mahadnaq u diray Wasiirada Madaxtooyada,Kalluumaysiga iyo Safiirka Somaliland ee Wadanka Kenya oo door Mugleh ka qaatay imaatinkiisa.

Prof Samatar waxa uu Xusay inaanu Sheegi Karin ereyo uu ku Muuneeyo Madaxdii iyo dadweynihii ku soo dhaweeyay Magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa,waxaanu intaas ku daray inuu ku faraxsan yahay imaatinka dalkiisa hooyo.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya Ujeedada Socdaalkiisa Xilligan ee Somaliland waxa uu Sheegay inuu salka ku hayo sidii uu u Ogaan lahaa xaalada dhabta ah ee ay dadkiisu ku sugan yihiin isagoo intaas ku daray in isaga iyo Koox la socotaaba ay Socdaal ku tagi doonaan Degmada Saylac ila Degmada Ceerigaabo si uu Xog ogaal ugu noqdo Nolosha dhabta ah ee Somaliland isla markaana uu u helo Xog uu adduunka u bandhigi karo.

Salaanmedia/Hargeysa
 

TOP

Â