Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Professor Samatar Oo Noqda Wasiirka Arrimaha Dibada Waxa Uu Somaliland U Keenayaa AQOONSI

Professor Samatar Oo Noqda Wasiirka Arrimaha Dibada Waxa Uu Somaliland U Keenayaa AQOONSI Waayo Addunka Ayuu Yaqaan! By Cali Dheere

Hadii aynu dad aan luuqadahaba aqoon safiiro iyo wasiiro ka dhigano waa masiibo, aynu cilmiga aamino oo wax u dhiibano. Haddaba wasiiraka khaarijiga iyo Safiirku waa muuqaal ka turjumaya tayada, aqoonta, xirfadda, karaamadda, sumcadda iyo sharafta qarran leeyahay, in xil safiirnimo uu qof hantiyo waxay caan ku ahayd in loo eego khibradda, aqoonta, waayo aragnimadda iyo indheer garadnimada u uu leeyahay aqoonta diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Laakiin Somaliland oo ah dal aan la aqoonsanayn shacabka ku noolina ay cadaw u yaqaanan cidda aan qaranimadooda la ayidsanayn waxaa cadawgaasi ugaga darran oo uga xun xukuumaddii ay doorteen oo god mar hore ku riday sumcaddii iyo qaranimadii Somaliland ee loo iib gayn jiray bulshada caalamka.

Magaalada London oo xarun u ah bulshada caalamka badideed isla markaana xudun u ah diblomaasiyiinta dunida intooda badan ayaa Somaliland waxaa u jooga qof lagu sheegay inuu safiir u yahay ninkaasi oo lagu magacaabo Cali Aadan Cawaale, oo aqoontiisa la baadhay ma laha aqoon iyo waayo aragnimo diblomaasiyadeed weligiina hore uma qaban xafiis dawladeed iska daa inuu ka shaqeeyey siyaasad arrimo dibadeed.

Dhawaan ayuu Mr. Cawaale wuxuu weraysi siiyey telefishanka Africa 54 oo ka tirsan idaacadda VOICE OF AMERICA waxaana layaab iyo fajac ku keenay bulshadii daawanaysay weraysigaasi marka gabadha weraysi qaadaysay ay su?aal weydiiso ayuu ku foorarsanaayey ama hoos u eegaayey waraaq hor taallay isagoo isku dayaayay inuu jawaabta ka akhriyo, taasi oo layaab ku noqotay gabadha weraysiga qaadaysay inay weraysi la yeelanaysay Safiir dal u fadhiya London iyo inay weraysanaysay wiil yar oo iskuul dhiganaya, waxaana la arkaayey gabadha weraysiga qaadaysay oo dhawr jeer qabanaysay Mr. Cawaale ka dib marka uu ku taraaro waxaan ahayn waxay weydiisay ileen waraaq ayuu ka akhriyayaaye, immikana waxa jooga Tagsiile kale oo isna raba safiir waa yaab halaka ay diblomasiyadeenu ku socoto

Wariye cali Dheere Hargeysa 634256467

saayiqle@hotmail.co.uk




Leave a Reply