Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa aragtiyo kala duwan ku qaabilay isku shaandhaynta iyo magacaabista uu Madaxweyne Siilaanyo

news

Hargeysa(SM)-Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa aragtiyo kala duwan ku qaabilay isku shaandhaynta iyo magacaabista uu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay golihiisa wasiirada.

Siyaasiyiintan oo kala ah Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), Col. Cumar Maxamed Nimcaale iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aanka Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay siyaabo kala duwan ugu warameen Wargeyska Geeska Afrika.

Md. Cali-Gurey, oo ugu horayn uu Geeska Afrikaweydiiyay sida uu u arko isku shaandhaynta iyo magacaabistan, wuxuu yidhi “Anigu wax is badalay ma arko, waxaana odayga looga fadhiyay is badal macno leh oo siyaasadeena dibada iyo ta gudahaba wax ka badali kara, waxaanay u muuqataa inay ka marag furayso uun arimo aan hore u sheegay oo ah in aanu dalka isagu xukumin(Madaxweynaha). Sidaas waxaan u leeyahay waxaan qabaa inuu is badalkan soo sameeyay wasiirka madaxtooyada Xirsi,ragii kala taliyayna waaba la garanayaa,laba shaqsi ayaa la iibinayaa oo labadaasina waa Maxamed Biixi Yoonis iyo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare, waana laba qof oo miisaankooda runtii leh,laakiin su’aashu waxay tahay siyaasadeena arimaha dibada kooxbaa jihaysa kooxdaasna Xirsi ayaa u fadhiya madaxtooyada,dhan walbana waa inuu Xirsi kaga ladhnaadaa cidii wasaarada arimaha dibada haysa xilkeeda.”

Cali-Gurey oo la su’aalay aragtidiisa ku waajahan wasiirka cusub ee arrimaha dibadda, ayaa yidhi “Maxamed Biixi Yoonis haddii uu xilkaas qabto ma noqonayaa nin Xirsi ku ladhan yahay oo ku shaqaysanaayo,waxaan is leeyahay ka badbaadi maayo waxaana laga-yaabaa inuu hore u fashilmo.intuu Xirsi madaxtooyada u fadhiyo wax wasaarda arimaha dibada iyo gudahaba ka hagaagayaa ma jiraan,awoodaas ninka yar ee uu madaxweynuu adeerk u yahay ee uu madaxtooyada ku haysto ayaa nin kasta oo qiimo lihiba uu judha ku fashilmayaa.Xirsi lama badalin oo kii duulista iyo kii mactanta iyo biyahaba lama badalin taasina waxay noqonaysaa arin aan dhawaan ka hadlay oo ahayd in aanu odaygu qabyaalada aqoon inuu hadda bartay qabyaaladii oo uu leeyahay inamada reerkayagu waa ceeb ka saliin.”

Col. Cumar Maxamed Nimcaale, oo uu Geeska Afrika, isagana wax ka weydiiyay sida uu u arko isku shaandhayntan ayaa yidhi, “Waxaan u arkaa isku shaandhayntan mid aad iyo aad u raali-galisay shacabka, aad iyo aadna way u wanaagsan tahay, sababta oo ah rag aad aqoon u leh oo shacabkuna jecelahay ayaa la keenay, khaasatan ninka la keenay Wasaarada arimaha dibada, Cali Waran-cadde iyo rag kale oo la mid ah, aad iyo aad ayaanu soo dhaweynayaa, Madaxwaynahana waan ku tahniyadeynayaa ragga uu soo xulay iyo sida uu wax u kala badalay.”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo uu Wargeyska Geeska Afrika, isagana wax ka weydiiyay mawduucan ayaa yidhi, “Wax kasta oo la isku shaandheeyo tiradda kordhaysaa waa kharash kordhay uun, xukuumadna ma toosi karto haddii aanu baarlamaanku hawshiisa qaban, markaa waxan la isku celcelinayaa qabyo waa halkeedii, markaa haddii aanu baarlamaanku hawshii qabanayn oo aanu khaladaadka qabanayn oo aanu xukuumadda toosin oo aanu sharciga ku soo debaalin, wax kasta oo la celceliyo iyo nin kasta oo la Magacaabaa wax isbedala kuma keeni karaan.”

Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu sheegay inuu aad uga naxay xil ka qaadista lagu sameeyay Wasiirkii Caafimaadka Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen-Xoog), oo wax badan ka qabtay arrimaha caafimaadka mudadii uu xilka hayay, “Anigu ninka aan ka naxay Waa Xuseen Xoog (Wasiirkii hore ee Caafimaadka) oo hawl wanaagsan hayey, hawl-wanaagsana qabtay, meeshana dhisay, ninkaasi hawshii uu caafimaadka ka qabtay iyo siduu u shaqeeyay awgeed waa ninka qudha ee aan ka naxay. Balan-qaadkii Madaxwaynuhuna wuxuu ahaa inuu tirada yareeyo.”

Geeska