Home Wararka Qof Mayd Ah Oo Maanta Laga Helay Duleedka Degmada Xuddun Ee Gobolka...

Qof Mayd Ah Oo Maanta Laga Helay Duleedka Degmada Xuddun Ee Gobolka Sool

Qof Mayd Ah Oo Maanta Laga Helay Duleedka Degmada Xuddun Ee Gobolka Sool

(SM-Xuddun) – Wararka ka imanaya degmada Xuddun ee Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka qof mayd ah laga helay duleedka degmadaasi.

Wararka Ayaa intaas ku daraya In ninkan maydka ah ee laga helay duleedka degmada xuddun aan ka muuqan wax nabar ah oo sheegaya dhimashada ninkaasi, iyadda oo sidoo kale dadka deegaanka ku dhaqani aanay ilaa hadda aqoonsan cida uu yahay ninkaasi.

Qofkan maydka ah oo loo badinayo inuu ahaa qof safar ah oo hadu ugu timid halkaasi, ayaa maydkiisa aan ilaa hadda la aasin, waxaana lala sugayaa bal cid garata, si markaa ka dib loo aaso.

Salaanmedia/Hargaysa