Raysal-Wasaaraha Somaliya Oo Sheegay Inay Dagaallada Kismaayo Wadahadal Ku Soo Afjarayaan

(SM-Muqdisho) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay maanta in xiisadaha ka taagan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ay ku wajihi doonaan wadahadal.

Mr Saacid oo ka hadlayay Muqdisho uu yidhi  “Dowladdu waxay xiisadaha ka jira Kismaayo ku wajahaysaa qaab nabad iyo wadahadal ah, waana taas midda aan doonayno inaan gaadhsiinno meel walba oo dalka ah”

Raysal-wasaaruhu wuxuu baaq u diray dhinacyada dagaalamaya “Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada isku haya magaalada Kismaayo inay soo dhaweeyaan oo ay aqbalaan oo dagaal dambe uusan ka dhici magaalada”ayuu yidhi.

Salaanmedia/Mogdisho