Safiirka Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya, Michele Cervone D’urso Oo Markab Dushii Kula Shiray Masuuliyiinta Dalkaasi Soomaaliya, Waa Maxay Sababtu.???. +Sawiro.

(SM-Muqdisho) Saraakiil ka tirsan dawladda dalkaasi  Soomaaliya ayaa Markab dagaal kula kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub, iyadoo saraakiishan diyaarad Helicopter ah lagaga soo qaaday garoonka diyaaradaha ee isla Magaaladda Muqdisho oo lagu magacaabo Aadan Cadde.

 

Markabkan oo laga lahaa dalka Portugal ayaa qeyb ka ah hawl galka Midowga Yurub ka wado Xeebaha dalkaasi Soomaaliya ee la dagaalanka budh cad badeedka ku hawlan, iyadoo dusha sare ee markabka kulan ka dhacay uu ka qeyb galay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Waddamada Somaliland iyo  Soomaaliya, Michele Cervone D’urso iyo Taliyaha hawlgalka ciidamadda Badda ee Midowga Yurub.

Arrintan ayaa muujinaysa ammaan daradda xoogan ee ka jirta Magaaladda Muqdisho, iyadoo kulankan oo ballantiisa muddo hore lasii qorsheeyay, ay codsadeen Sarakiisha Ciidamadda ee Midowga Yurub ka socday, inay dorbidayaan ammaanka Markabka guudkiisa, iyagoo si weyn uga wabiyay ammaanka Muqdisho, oo dhawaan qarax khasaare dhaliyay loo geystay xaruntii Midowga Yurub.

Michele Cervone D’urso ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta ammaanka xeebaha dalkaasi  Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in Midowga Yurub uu ka qeyb ka qaadanayo dhisidda iyo qalabeynta ciidamadda badda, isagoo Safiirka Midowga Yurub ka dhawaajiyay in aanay budhcad badeed ka jirin xeebaha Somaliland, sidoo kale ay xooga sarayaan in laga cidhibtiro  dhinacan Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu guul la gaadhay ku tilmaamay hoos u dhaca baryihii danbe ka muuqday weraradii budh-cad badeedu ka fulin jireen dalka Soomaaliya, taas oo uu ammaanteeda huwiyay Ciidamadda ilaaliya badaha ee Midowga Yurub qaybta weyn ka yahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kulankan waxyaabihii lagaga hadlay  la horgeyn doona shirka bisha September ka dhici doona dalka Belgium.

Sarkaalkan Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Michele Cervone D’urso, wuxuu Somaliland ku galaa kulamo ka duwan midka uu maanta ku yeeshay Markab dagaal dushii, isagoo si caadiya oo xarago ah uga soo dega Garoomada Somaliland, si xorana u yeesha kulamadiisa.

Salaanmedia/Mogdisho