SAW WAX MA FAHAMTAAN AMA WAX MA ARAGTAAN(siyaasiyiinta Somaliland )

 SAW WAX MA FAHAMTAAN AMA WAX MA ARAGTAAN(siyaasiyiinta Somaliland )

maqaal

Waxa jirey nin maxbuus ahaa oo ku xidhnaa qasrigii luwiis kii afar iyo tobnaad  (boqorkii faransiiska ee 14 tob naad ) maxbuus kaasu DIL ayuu ku xukunaa , wakhtigii la dili lahaana  habeen qudha ayaa ka hadhsanaa .

Boqorkaasu wuxuu lahaa dhaqamo lala jaabi jirey , habeenkaas ayaa si kadiso ah , wuxuu u soo galey maxbuuskii isaga oo wata ilaaladiisii , wuxuu maxbuuskii ku yidhi :fursad wayn ayaan ku siinayaa , haddii aad ka faa ii daysato oo aad ku guulaysato , waad ka bad baadi doontaa dilka , hadaba waxa weeyo , jeelkan aad ku xidhan tahaey , waxa uu leeyahay meel furan  oo aad ka baxsan karto , oo aanay cidina ilaalinayn , hadaba haddii aad xesho meeshaa XOR BAAD TAHEY oo cid kaa hor joogsanaysaa majirto , cid kaa dabo imanaysaana ma jirto , Haddii aad waydo meeshaa oo aad baxsan kari waydo , waagu markuu baryo  ayaa askartu kuu imanaysaa oo lagugu fulinayaa xukunkii dilka ahaa ee aad ku xukunayd .
Boqorkii iyo ilaaladiisiiba  way ka tageen maxbuuskii , silsiladihii ku XIDHNAANA way ka FUREEN , maxbuuskii wuxuu damcay inuu ka faa iidaysto arintan layaabka leh ee uu boqorku ku kacay .
Maxbuuskii wuxuu bilaabay inuu qasrigii waynaa ee makhsinada badnaa uu marba meel u cararo , marba koone isku qaado , oo rajo iyo yididiilo ayaa gashey , wuxuu helay meel ay wadiifadi saaran tahay oo daloosha , oo laydh yar oo macaanina kasoo gelayso , halkii buu isku qaadey , waxay kolba meeli meel u sii dhiibtoba oo rajo soo gashoba , waxa ka horyimi gidaar wayn oo meel laga dhaafi karaa jirin , halkaasu dib usoo noqday isaga oo niyad xun, laakiin wuxuu hubaa inaanu boqorku been u sheegin .
Isaga oo meel ku yara nasanaaya oo daalan ayaa waxa uu arkay meel daloosha oo god ah , halkii buu isku qaaday , wuxuu maqlay cod biyo soconaaya ( allah ) markaasuu farxay , waxaanu ogaa in qasriga hoostiisa ay biyo maraan  , rajo iyo yididiilo ayaa gashey , laakiin aakhirkii DAAqad xidhan ayuu lakulmay oo aanay lahayn meel laga bixi karo .\
Habeenkii oo dhan kolba wuxuu meel isku qaadoba , orodkiisii oo dhamiba biyo col dhaanshey bay noqdeen , HABEENKIINA wuu socdaa , marba waxay rajo gashoba iyo bal halkan na eeg , halkanna tijaabi , habeenkii wuu dhamaaday 
QORAXDII baa usoo baxdey maxbuuskii isagoo JEELKII weli ku jira , BOQORkii baa  u soo galey 
Wuxuu ku yidhi 🙁 WELI MA HALKII BAAD JOOGTAA ) 
Maxbuuskii baa yidhi ( WAXAAN MOODAAYEY BOQOROW INAAD RUN II SHEEGAYSAY )
BOQORKII baa ugu jawaabay ( RUN BAAN KUU SHEEGAY ) 
Maxbuuskii isaga oo aan ku qancin jawaabtii boqorka ayuu ku yidhi boqorkii : ( MEEL AANAN ISKU QAADININI MA JIRTO , MEEL QUDHA OO II DHIMANI QASRIGA MA JIRTO , EE MEESHA BANAAN EE AAD II SHEEGEYSAY MEEDAY ?).
BOQORKII waxa uu ugu jawaabay : ( ALBAAB KAN AAN KAAGA SOO GALEY IMINKA MIYAANU FURNAYN , ILAALADIINA MIYAANAY KA TEGIN ? ) 
MISKIINKII MAXBUUSKA AHAA MUU TIJAABIN ALBAABKAN HORTIISA AH , MANUU EEGIN INUU FURAN YAHAY IYO INUU XIDHAN YAHAY TOONNA .
Hadaba siyaasiyiinta somaliland may tijaabin sidii ay ICTIRAAF dalka ugu heli lahayd , kamanay FEKERIN  in ay Q0ORSHE keento meel mar ah . waxay ku meeray sanaysaa beesha caalamku waxay tidh SOMALIYADA KOONFUREED kasoo dhamaysta arinkiina ,  halkaasay shicibka kula soo noqdeen , MA WAX LA QAADAN KARAABAA ? JILEECAA nacasnimadaasu iyo daciif nimadaasu .
ICTIRAAF HELISTIIBA waxay ka dhigeen wax ADAG oo aan laheli karin , ilaa iyo koonfuri na ogolaato . HADDA WAA GUMAYSTIHII ( ISTICMAARKII MADOOBAA ) EE AYNU XOOGGA ISKAGA KICINAY .
Siyaasiyiintii somaliland waxay keeneen isdaba meeraysi .
INDHO LA AANTA SIYAASIYIINTA SOMALILAND WAY XAD DHAAFTAY ???
ICTIRAAFKA SOMALILAND WUU IDIN HORYAALAA EE ARKA ???
Matalan : waa idinka oo badda berbera  ( BAAB ALMANDAB ) QABSADA ,
oo awoodiina muujiya , aduunku dal aan xoog lahayn ma oqoonsado mana qiimeeyo  .
Wax ma fahanteen .
CALI MAXAMED BIIXI