Shabaabkii Qarxiyay xarunta heyadda UNDP oo iska soo dhigay rag Aroos galbinaya & shacabka reer Muqdisho oo arintaan la yaaban .

 

news

Shacabka degan magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka xarunta heyadda UNDP ayaa aad ula yaabay maleeshiyaadkii weeraray iskuna qarxiyay xarunta heyadda UNDP kuwaas oo iska soo dhigay rag galbinaya Aroos xaafadeed waliba ciidamada dawlada ay waardiyeenayaan.

“Maleeshiyaadka isku qarxiyay xarunta heyadda UNDP mid ka mid ah gawaaridii ay wateen waxa ay ku soo rakibeen cod baahiye u qaab eg Aroos la galbinayo waxaana hore iyo danbaba ka socday 2 gaadhi oo kale kuwaas oo ay saarnaayeen rag uusan afka u duubneeyn oo iska soo dhigay ciidamada Milatariga dawlada ayuu yiri Mursal Cismaan Eenoow oo degan dhabarka dambe ee xarunta heyadda UNDP ”

Maleeshiyaadka Al Shabaab oo bilaabay maalmahaan dambe inay koox koox isku soo aruursadaan ka dibna is wada qarxiyaan waxaa adag si la iskaga waardiyeeyo maadaama ay is ticmaalaan dharka ciidamada Dawlada iyo Kaarto lagu sheegay in meel kasto oo la waardiyeenayo ay marka hore ku dhuftaan gaari Qaraxyo laga soo buuxiyay ka dibna waxeey goobtaas mar quraa wada galaan iyaga oo ifantari ah ama lugeenaya kuna hubeeysan Baasuukayaal iyo Dabajeexyo.

Maleeshiyaadkaan oo u badan dhalinyaro aanan garan karin sababta ay ku dhimanayaan maadaama uu nool yahay ruuxii soo diray oo nolol kaga dambeeya waxaa la xaqiijiyay intooda badan inay yihiin kuwo Maskax ahaan dhibaatooyin fara badan ay ka soo gaartay dagaaladii sokeeye halka qaar koodna ay ku dhasheen dalalka qurbaha.

Salaanmedia/Mogdisho