Sheikh Maxamed Omar Dirir, oo maanta gaadhsiiyay Deeq Lacageed oo Lagu Soo Hagaajiyey Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa

Sheikh Maxamed  Omar Dirir, ayaa maanta gaadhsiiyay deeq lacageed xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, deeqdan oo ay soo direen jaaliyadda soomaaliland ee ku dhaqan dalka UK, deeqdan lacageed oo lagu soo hagaajiyay sheekha ayaa gaadheysay lacag dhan $11953, taasoo walaaha ree UK ay ugu deeqeen qaar ka mid ah agoomaha ku dhaqan  magaalooyinka kala Hargeysa, Burco, Laascanod, Boroma, iyo Cerigaabo, qaabka sheekhu uu ugu kala qeybiyay gobollada waa sidan.

No Name Amount  
1 Hargeisa 2900  
2 Burco 2500  
3 Borama 2500  
4 Laascaanod 2000  
5 Ceerigaabo 2000  
  kharashka Xawaaladda 53  
                                             Total $11953  

Munaasabad kooban o ka dhacday xarunta agoomaha ee magaalada Hargeisa ayaa waxaa ka soo qeyb galay sheikh Maxamed Cumar Dirir,Sheikh Cabdillahi iyo maamulka xarunta agoomaha oo ay ugu horeeysay Canab Xassan Xamed oo ah gudoomiyaha xarunta agoomaha ee Hargeisa, ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Sheikh Maxamed Cumar Dirir oo ka waramay ahmiyadda ay leedahay kaalmeynta agoonta iyo fadliga ku soo arooray, sidoo kale sheekhu waxa uu sheegay in dhamaan gobolladii ay lacagtaasi u direen ay gaadhay isla markaana TV-ga Horncable laga daawan karo, isaga oo uga mahad celiyay jaaliyadda Uk deeqdan lacageed ee ay soo gaadhsiiyeen walaalahood.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay maamulaha xarunta agoomaha Hargeysa, Marwo Canab Xasan Axmed, oo ku dheeraatay xaaladda ay imika ku suganyihiin agoomaha magaalada Hargeysa, iyada oo tilmaantay in ay jiraan Ururo badan oo magaca agoonta wax ku soo qaata isla markaana aan soo gaadhsiinin agoontaasi wixii ay magacoodu ku soo qaateen.

Ugu dambeyntii ,Marwo Canab ayaa waxa ay u mahad celisay jaaliyadda ku dhaqan UK gaar ahaan dadkii ku deeqay lacagtani.

Ma aha markii ugu horeeysay ee  deeq noocan oo kale ah la soo gaadhsiiyo agoomaha ku dhaqan magaalada Hargeysa, hasa yeeshee waxaa la odhan karaa wali fari kama qodna baahiyaha iyo duruufta ka muuqata agoontaasi iyo guud ahaan agoonta ku dhaqan Soomaaliland, sida laga war qabo hadda xaruntaasi agoomaha waxaa gacanta ku haysa oo ay ku tiirsanyihiin xukuumadda Somaaliland ee uu madaxda ka yahay Axmed Maxamuud Siilaanyo.