Shirkada Apple Oo Soo Saartay Qalab Dumarka Aad Uga Farxiyay, Waa Maxay Qalabkaasi. ??

(SM-)Maanta  ayaa ugu danbeysa Qiyaanada qoysaska.!, sidaas waxaa cinwaan looga dhigay qalab cusub oo ay soo saartay shirkada Appel ee ku caan baxday qalabka Tiknoolajiga gaar ahaan taleefanada iPhone.

Qalabkaa cusub ayaa ah   fargashi kaasoo ay xidhaan dadka is qaba, Fargashigan ayaana soo af jaraya qiyaanada iyo kala shakiga  mararka qaar soo kala dhex gasha lamaanayaasha nolosha wadaaga meel walboo ay dunida ka joogaan.

Qalabkaan ayaa tilmaamaya meel walboo uu tago qofka xidhan, taasoo qofka kale u suura gelineysa in uu si fudud ula socdo meesha uu lamaanihiisu tagay  ama ku maqan yahay.

Hal ku dhiga aaladaan casriga ah ayaana loogu magac daray, Maanta wixi ka danbeeya ma jirto qiyaano dadka is qab dhex marta.

Qalabkan ayaana waxaa si weyn usoo dhaweeyay dad badan oo dunida reer galbeedka u badan, iyaga oo ku tilmaamay qalab wax badan ka bedeli doona kalsoonida iyo jawiga degenaanshiyaha noloshooda.

Dumar badan oo dunida dacaladeeda ku nool  ayaana durbadiiba bilaabay in ay amaan iyo bogaadin u jeediyaan qalabkan, maadaama ay ku dhiban yihiin nimankooda oo inta badan dumar kale la guursado iyaga oo aan ka warqabin, dabadeedna been iyo borobagaando ku qanciya.

Salaanmedia/Hargaysa