Home Community Shirkadaha Dahabshiil Group Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Warar Ay Qoreen...

Shirkadaha Dahabshiil Group Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Warar Ay Qoreen Warbaahinta Qaar.

Shirkadaha Dahabshiil Group Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Warar Ay Qoreen Warbaahinta Qaar. caalamka taas oo laga dawaanayo telefishanada dalka sida,Telefishanka Qaranka Somaliland (SLNTV), Horn Cable Tv, Somaliland Space Channel, Somali Set iyo Somali Channel iyo Milgo Digita,ayaan u qalimin warar lagu wanjalayo oo looga goleeyahay in laysku diro shirkadda dhigeedaha.

Waxaanu Ummadda u cadayneynaa inaan Shirkadaha Dahabshiil Group waxa luga ku lahayn  warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta dalka kaas oo ay ku sheegeen in shirkadda Somtel ka dambeysey go’aankii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo TELESOM Ka Joojisay Baahintii [Relay-ga] Ahayd ee Radio Hargeysa Kusoo Tebinaysay Tartanka Ciyaaraha.,

Waxba kama jiraan warkaas oo waa mid lagaga beensheegayo sharafta iyo karaamada ay shirkaddu ku leedahay bulshada dhexdeeda,taas oo la rabo in sawir khaldan laga siiyo dadwaynaha hadaba

Maaha shirkadda  Dahab Shiil group,mid loo nisbeeyo Qabiil iyo reer toona,isla markaana lagu xidhiidhiyo Xukuumada. Waa shirkad  ka madax bannaan oo aan wax xidhiidh ah ama lugba ku lahayn,arrimahaas.

“,marka ay dadka wax magaratada ahi ay  leeyihiin hab reernimo ayaa la doonayaa in looga saaro baahinta ciyaaraha gobolada Somaliland shiradda Telesom,miyaanay tolow oga’n in Tv-yada ay u baahinaysaaba inay dhammaantood yihiin oo ay leeyiniin isla reerka ku eedaynayaan somtel.

Sida ku cad warqaha ay dawladda Somaliland labadii kun iyo laba iyo tobankii-october 8\2012-kii ugu ogo’laatay shirkadda Somtel inay baahiyaan ciyaaraha gobolada Somaliland,ee uu ku saxeexanyahay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha,Md.Siciid Cali Raygal iyo ta kale oo uu ku cadyahay saxeexa wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigalita Somaliland Md.Abiib Iimaan Diiriyr oo soo baxday 20\5\2013,kii)sidaas oo ay tahay waxaan idiin sheegayaa in aanay jirin wax lug ah oo ay shirkadu ku leedahay arrimaha ka dhexeeya Xukumadda iyo Telesom

Halkan waxa ku lifaaqan laba oggolaansho wasiir  muujinaya in tartan xalaal ah loo galay baahinta ciyaaraha, loona kala horreeyey. Fadlan eeg taariikhaha burinaya beenta laga faafiyey SOMTEL iyo baahinteeda.

shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL oo ka tirsan Dahabshiil Group ayaa kaalinta ugu ballaadhan ka qaadaynaysa in tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland si toos ah loogala socdo daafaha caalamka, waxaannay shan telefishan u suurtogelisay baahinta tooska ah ee tartanka – Telefishanka Qaranka Somaliland (SLNTV), Horn Cable Tv, Somaliland Space Channel, Somali Set iyo Somali Channel iyo Milgo Digita

Waxaan shaki ku jirin in mudooyinkan dambe ay soo baxeen war xumo tashiil ku qanacsan xinka iyo risiq maanacnimo  oo caado ka dhigtay ama ay caadaba u tahay ii dhiib anaa waafin,buunbuuninteeda aanu ku jahayneyno dadka shirkadda Dahabshiil,oo ka dhigan xaasid nimo aan meelna aan loogu soo gaban oo iska cad u jeedadeedu.

Taas oo ah mid aan waxba u dhimeyn hawlaha ama adeegyada ay shirkadda Dahabshiil umadda u qabato ,taana waxa u daliila xadiiska halkan ku cad,Abu laysa(RTC)wuxuu yidhi sadex ayaan ducadooda la aqbalin,xaaraan cunka,Xanta badsade iyo qalbiga xumaan iyo xaasid nimo ugu haya dadka muslimiinta ah.–

Maaha shirkadda  Dahab Shiil group,mid loo nisbeeyo Qabiil iyo reer toona,isla markaana lagu xidhiidhiyo Xukuumada. Waa shirkad  ka madax bannaan oo aan wax xidhiidh ah ama lugba ku lahayn,arrimahaas,marka ay dadka wax magaratada ahi ay  leeyihiin hab reernimo ayaa la doonayaa in looga saaro baahinta ciyaaraha gobolada Somaliland shiradda Telesom,miyaanay tolow oga’n in Tv-yada ay u baahinaysaaba inay dhammaantood yihiin oo ay leeyiniin isla reerka ku eedaynayaan somtel.

Haddaba,waxaan leeyahay shirkadda dahabshiil , ma gaydo mana ay mutaysan maanta hadallada deelqaafka ah iyo Gardarada aan geedna loogu soo gaban,ee ay Somtel ugu badheedheen Dahab Shiil.

Kobciye999@gmail.com

Axmed M. Maxamuud