Shirkii Beel-Weynta Sacad Muuse Oo Dib Loo Dhigay Iyo Dareenada Ku Xeeran

(SM):Hargaysa)Suldaanka guud ee beelaha Sacad Muuse, ahna Suldaanka guud ee Beelaha Habar-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa ku dhawaaqay in shirkii beesha Sacad Muuse dib loogu riixqay oo uu qabsoomayo 17-ka bisha August ee sanadkan 2013-ka, sababa la xidhiidha bisha Barakaysan ee Rammadaan oo fooda inagu soo haysa.

Suldaanka guud ee beelaha Habar-awal iyo guddidii khilaaf-saarka oo shalay isugu yimid kulankii u dambeeyay ee lagu soo afjarayey khilaafkii hore u jiray, ayaa waxay kulankoodaasi ku go’aamiyeen gudida qaban qaabada inay salaadiintu soo xuli doonto, tiradooduna noqon doonto 39 xubnood, iyadoo shirka laga fogeeyay arrimaha siyaasadda oo uu noqon doono mid dhaqan oo ay madax dhaqameedku hogaamiyaan.

Ugu horeyn waxa kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudida dhexdhexaadinta Beesha Sacad Muuse Muxumed Aw-Axmed, waxaanu yidhi  “Halkan waxa fadhiya madax dhaqameedkii iyo Salaadiintii Beesha Sacad Muuse iyo Gudi khilaafaad yar oo jiray si ay u xaliso u soo dhex galay oo Gudiga khilaaf-saarka la yidhaahdo, runtii arinku wuxuu u dhacay si aad u qiimo badan khilaafkiina wuu naga baxay  si wanaagsan oo aan turxaan lahayn ayaa loo heshiiyey waxaana lagu heshiiyey in shirkii la qabto oo uu socdo ayaa lagu heshiiyey oo shirqudha ahi uu qabsoomo markii hore khilaafaad baa jiray, hada meesha wuu ka baxay (khilaafkaasi) oo shir qudha ayaa lagu heshiiyey iyo gudi qudha oo qaban qaabo iyo madax dhaqameedka oo wada”

Suldaanka guud oo isna Gabogabadii halkaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaanu shacabkayaga u sheegaynaa inuu shirkii najaxay  oo uu noqonayo shir wanaagsan oo qiimo badan, waxa kale oo aanu u sheegaynaa dhan walba markaanu ka eegnay waxaanu ka fikirnay maadaama oo bilo cibaado la galayo in aanu shirkii dib u dhigno oo hore ugu mudaysnaa 24-ka June oo aanu ka dhignay 17-ka bisha August haddii Alle idmo, waxaanu leeyahay shacabka guud ahaan gudo iyo dibad reer ka labeentisii wataa fadhida ee ay  Guurtidiisii, madaxa dhaqameed kii sii iyo salaadiintiisii halkaa wada fadhiyaan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu beelaha kale ee shacbiga reer Somaliland-na u sheegaynaa shirkaasi inuu noqon doono shir aanu kaga shaqayno walaalaynta, oo aanu beelaha dariska-na kula noolaano walaaltinimo kuna dhisno Qaranka oo danta Guud ee Qaranka ee Caamka ahna waafaqasan”

Salaanmedia/Hargaysa