Soomaalida Yurub oo u hagar baxday Taageerayaasha Raisul Wasaraha dalka Turkiga Rejep Tayyip Erdogan!

Wadamo badan oo ku yaala Qaarada Yurub waxaa ka dhacay Banaanbaxyo balaaraan oo si weeyn loogu taageerayay Raisul Wasaraha Siyaasada kulul ee dalka Turkiga Mr.Rejep Tayyip Erdogan .

turkey

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalalka Yurub gaar ahaan kuwooda ku sugan goobihii uu banaanbaxaan ka dhacay ayaa waxa ay soo qaateen Calanka  Soomaaliya iyo Sawirada Raisul-wasaaraha dalka Turkiga Mr. Rejep Tayyip Erdogan.

Inta badan Soomaalida indha indheeysa siyaasada Somalia iyo xaalada uu ku sugan yahay dalka ayaa si weeyn u taageersaan siyaasada iyo hab dhaqanka Raisul-wasaaraha dalka Turkiga Mr. Rejep Tayyip Erdogan oo noqday shaqsi si weeyn u saaciday Shacabka Soomaaliyeed waliba dalka Somalia u soo diray Injineero fara badan oo soo celiyay ilihii dhaqaalaha dalka kuwaas oo ilaa hada gudaha dalka ka wado dhismooyin si aad ah loogu qancay.

Banaanbaxyada lagu taageerayo Siyaasada Raisul-wasaaraha dalka Turkiga Mr. Rejep Tayyip Erdogan ayaa kuwooda ugu xoogan waxa ay ka dhaceen gudaha dalalka Germany, France, Finland, Holland, Beljemka, Austria iyo Switzerland waxaana sidoo kale lagu wadaa maalmaha soo socda inay Banaanbaxyadaan ka dhacaan dalal kale oo dhoor ah.

Salaanmedia/Mogdisho