Ururka Dhanliyarada SYDA Ee Gobolka Saaxil Oo Taageeray Shirka Qurbo Jooga Beesha Ciisa Muuse Ee London.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ururka dhalinyarada horumarinta gobolka saaxil ee (SYDA).waxay si buuxa u taageerayaan shirka balaadhan ee qurba-joogta beesha ciise muuse ku qabanayso 22/6/2013-ilaa 23/6/2013.lagu qabanyo magaalada london.

 

nuqul ka mid ah war saxaafadeedkaasi oo aanu helnay ayaa u dhignaa sidan:

justify; MARGIN: 0cm 0cm 10pt; TEXT-AUTOSPACE: ; mso-pagination: none; mso-layout-grid-align: none”>anaga oo ah ururka dhalinyarada horumarinta gobolka saaxil waxaanu si weyn u taageer sanahay shirka balaadhan ee qurba-joogta beesha ciise muuse ku qabanayso magaalada london bishan 22/6/2013-ilaa 23/6/2013.

 

waxaanu soo dhaweynayaa shirkaasi balaadhan waxaanu rajeynaynaa in ay ka soo bixi doonaan wax dan u ah guud ahaan beesha ,isla markaana lagu horumariyo gobolka saaxil oo ah kan ugu khayraadka badan gobolada somaliland oo dhan, kale oo aanu jecel nahay in shirku noqdo mid bilaw u ah shirar balaadhan oo aad qabataan, oo aad si fiiro leh uga hadashaan boobka balaadhan ee la doonayo in lagu soo qaado khayraadka gobolka ,iyada oo la adeegsaanyo awoodo dheeraad ah.

ururka dhalinyarada horumarinta gobolka saaxil oo ah urur ujeedadiisu tahay sidii uu hore ugu horumarin lahaa guud ahaanba gobolkii iyo dhalionyaradisii ,waxa uu balan qaadayaa in uu qurba-joogta gacan ka siiyo wax kasta oo macluumaad ah oo looga baahan yahay gobolkii.

 

Waa Bilaahi Towfiiq

Gudoomiyaha Ururka

Ciise Cali Xasan