Walaalkay Jaale Cawaale aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay jawaabtaadan waafiga ah ee hoos kuxusan

Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu,
maqaal
Walaalkay Jaale Cawaale aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay jawaabtaadan waafiga ah ee hoos kuxusan,
 
Wax badan baan kugu raacsananahay doodaadan qiimaha badan
Sidaad xustay Qabyaaladda ayaa u aabo ah Odayaasha awood doonka ah,
 
Waxaanse kudarilahaa Madaxda Siyaasaduna waa u Hooyo sababtoo ah DULMIGAY badsadaan waxaanay katagaan CADDAALADDA!!! 
 
Hadaynu taarikhda dib u yara milicsano oo aynu yara eegno Madaxdii Dunidan soo xukumay iyo wax qabadkoodii iyo hab dhaqankoodii,
 
Tusaale usoo qaado Cumar Bin Khadaab
waxa lasheegay waagiisii inuu ahaa mid ay dagaalo farabdani kadhex dhexeen quwadihii dunida xukumayay xiligaa oo uu Ismaamku kamid ahaa.
 
Waxase lasheegay inay wafti ugu timi Magaalada Maddiina oo taliskiisu CUMAR uua haa, waftigaasoo kamid ahaa kuway colaadda badan iyo dagaaladu  kadhexeeyeen waxay ugu tageen isagoo geed duleedka ah iska hurda waxa kuyidhaahdeen kelmadahan hoose kuxusan
 
CUMAROW,
 
WAAD CADDAALAD SAMAYSAY AAMINA WAAD NOQOTAY.
 
balhada eeg MADAXDEENA imika ee Somaliland gaadh baa laga hayaa oo askarbaa ilaalisa waxa laga ilaaliyaana waa dadkoodii
 
Maxay sameeyeen? 
Way eexdeen, way lunsadeen, way xumaan sameeyeen, way, way, way………………
iskusoo wada duuboo CADDAALADDAY katageen kadibna way baqdeen, shacabkiina way ka aaminkabexeen.
 
RAG (DAD) CADDAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALAYAAYE.
 
 
NABADDA IYO SOMALILAND
 
Somaliland waxay haysay nabad mudo dhan 16 sano,
Laakiin nabadda lafteedaa cunto iyo cabitaan ubaahan haday weydana way dumataa
Waxa kamida tiirarka waaweyn ee cuntadda iyo cabitaanka u ah nabadda kuwan hoos ku xusan,
 
1.   Cadaaladda
 
2.   Horumarka
 
3.   Aqoonta
 
4.   Ilaalinta Danta Guud iyo Deegaanka
 
5.   IWM
 
Hadaba WADDANI maxaa uga meel yaala 4 arimood ee kor kuxusan oo dhaba? Waayo waa waxyaabaha Qabyaalada yaraynkara amma baabinkara.
Mise sidii Kulmiye ayaynu haynaa BALANQAAD & WAXABA LA’AAN?
 

Balhada ila eeg GABAYNA
 
Naxariistii Jano Allah hasiiyee bal hada ila eeg gabaygan oo uu tiriyay Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasin) 49 Sano mudo hada laga joogo laakiinse lamoodo inuu imika tiriyey
 
 
 
Dayaxaa la kala boobayaa iyo dirirkii cawleede
Xiddigtii dagaariyo la dhaaf diillintii Guray’e
Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa daafe
Duqii samada lagu sheegayiyo dide cirjiidhiiye
Dabaylaha ragbaa kala yaqaan dawga loo maro’e
Hadba waqalka dihin Ruushku waw-doogsin cararaaye
Daruuraha la weeraray nin ogi dib uga faallooye
Nin da’dii halkaa gaadhay oo daallanbaan ahaye
Hayeeshee dabkeedu ha ba’ee doqoni waa mooge
Daab godina soomay jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geeddi yahay deyiba maayaane
Umaddii daryeel weli mahelin daacadda ahaaye

Sidii bay u dooyeysantahay damashii weyneyde
Sidii bay duleedada dharli’i ugu dabjeexaane
Sidii baa du’dada aar dhiciyo dacaw u joogaaye
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha’e
Sidii bay docu aqalladii uga daloolaane
Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaaye
Sidii baa degmadu ceelashii ugu darleeftaaye
Sidii baa ducaaloow! biyaha loo dawariyaaye
Sidii bay u daba goosi tahay haradii Dooloode

Oo weliba dibindaabyo-iyo diriri joogtaaye
Waakaa dareersaday Axmaar dayr cadkii dhalaye
Danbi ku hadli maayo’e ma’arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal’e
Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii aan deyeysanahay miyaan dawgii ka habaabay
Waxba hadalku yuu iladurkine waxan ku soo duubay
Mar uunbuu dafsoo odhan nabsigii diinku soo sidaye
Mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiye
Dirridaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiye
Dibjirkiyo reer miyigu marbay daasadaa qubiye
Mar uunbuu digiigixan raggii daalanaan jiraye
Dibnihii shakaallaa marbaa dooda loo furiye
Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonaaye.

 
 
Allah Mahadleh
 
Mohamed Ali Mohamoud
London