War Dag Dag Ah: Xasan Daahir Aweys Oo Ka Soo Dagay Garoonka Diyarada Ee Muqdisho Iskuna Dhiibay Dawlda Somaliya

index

June 29,2013 Muqdisho(SM)  Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Horjoogayaasha Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ayaa goor dhow lagasoo dejiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kadib markii uu maanta si rasmi ah isugu soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Diyaarad gaar ah oo magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb kasoo qaaday Horjooge Xasan Daahir iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay Dowladda Federaalka iyo maamulka Ximan Xeeb ayaa waxaa daqiiqado ka hor ay soo caga dhigatay caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Xasan Daahir Aweys waxaa si rasmi ah ula wareegay Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed,

 

Salaanmedia Muqdisho