War deg deg Ah Axmed Madoobe iyo wafdi Saraakiil u badan uu Hoggaaminaayo oo ka duulay Garoonka Kismaayo. (Waxbixin Muhiim ah).

Daawo Kismaanyo oo ciidamadda Aminson ay ka qadeen Video 

Waxaa daqiiqado ka hor garoonka Kismaayo ka duulay Wafdi uu Hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ururka Raaskambooni Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyaga oo ku wajahnaa Magaallada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia.

Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa waxaa Socdaalkiisa ku wehliyaan Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbalan kuwaasoo aan la garaneynin Ujeedka ay ugu ambabaxeen Dalka Ethiopia.

Waxan Ilaa hadda la garaneynin sababta ka dambeysay Socdaalka Hoggaamiyaha Raaskambooni iyo Saraakiisha Ururka, waxa ayna wararku sheegayaan in Dowladda Ethiopia ay kala hadlayaan Sidii ay Dowladda Somalia kala hadli laheyd Aqoonsiga Maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiinta garabkiisa ayaa waxa ay muddooyinkaasi safari ku kala bixinaayen Dowladaha dariska la ah Somalia, oo ay ugu horeysay Kenya waxa uuna socdaalkooda daba socdaa Socdaalkii ay Kenya ku gaaren.

Ugu dambeyntii, Socdaalka uu Axmed Madoobe ku gaarayo Magaallada Addis Ababa ayaa waxa uu noqonaaya socdaalkii ugu horreeyay ee uu Axmed Madoobe ugu ambabaxo dalka Itoobiya tan iyo markii xilka loo doortay horraantii bishii la soo dhaafay.

Xasiifka Salaanmedia.com
Kismaayo-Somali

 

 

Â