War Deg Deg Ah Gaadhigii Abaalmarinta Ee Gool Dhlalinta Oo Loo Qaybiyay Saddexdii Ciyaaryahan Ee Ugu Goolasha Badnaa

gaadhi

Hargeysa (SM) gaadhigii ay bixisay shirkada Dahabshiil ee loogu tala galay qofka ugu goolasha badan tartanka koobka gobolada Somaliland ayaa la sheegay in loo qaybinayo saddexdii ciyaaryahan ee ugu goolasha badnaa koobka gobolada somaliland, sida uu baligubadlemedia u xaqiijiyay gudoomiyaha garsoorayaasha somaliland khadar jiilaal.

Saddexdan ciyaaryahan oo kala Cabdiriyaadh gobolka Marodijeeex, Maxamed Amiin gobolka Daadmadheedh, iyo Siikaawi oo ka tirsan gobolka Sanaag,

Inkasoo saddexdan ciyaaryahan mid kamid ahi ku guulaystay abaalmarintan gaadhiga ah maadaama oo hadii ay iksu goola noqdaan ciyaaryahano ay jirto qaab caalami ah oo loo kala saaro ciyaaryahanada  isku goolal noqda hadana waxay tani cadaysaa aqoon darro haysata wasaaradda ciyaaraha somaliland

Waxa ay tahay arin muhiima oo loo qaaday dhinaca saxda ah kadib markii dad badani ay walaac ka muujiyeen in dad gaar ah lasiinaayo.Sidasoo kalena ay warbaahintu wax ka qortay tasoo keentay in arinkan sidan loo dhigo,

Salaanmedia.com

Hargeysa Somaliland