WAR DEG DEG:-Sheekh Xasan Daahir Oo Dooni Ka Racay Gordhow Baraawe Iyo (Akhriso)

images (4)

Wararka aan ka heleyno  dhanka baraawe  ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aways oo ka mid ahaa  Hogaamiyaasha Al-shabaab  uu si qarsoodi ah uga baxay Magaalada Baraawe ee Shabeellada Hoose halkaasi oo uu deganaa waqtiyadii lasoo dhaafay iyadoo aanan ilaa hadda la xaqiijin halka uu u dhaqaaqay.

Ilo lagu kalsoonyahay oo ka mid ah Ayaa warbaahinta   u sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aways oo ay wehliyaan Sarakiil kale Oo horay uga tirsanaa ururkii Xizbul Islaami ay laba habeen kahor Doon ka raaceen Xeebta degmada Baraawe islamarkaana ay aadeen goob aana weli la magacaabin, Mana jirin cid ka tirsan Al-shabaab  oo kahadlay bixitaan Sheekh Xasan Daahir Aways.

Bixitaanka Qarsoodiga ah ee Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa la sheegayaa inuu xiriir la leeyahay hadal xilli sii horeysey kasoo baxay qaar katirsanaa Ururkii Xizbul Islaami oo sheegayay in ay ka bexeen Midnimadii  Al-Shabaab ayna hadda wixii ka dambeeya wadahal la geli doonaan Dowlada Xasan faderalka Soomaaliya, hadalkaasi oo uu horay saxaafadda ugu sheegay Maxamad Macalin oo horay u ahaa madaxii warfaafinta ee Xizbul Islaami.

Warar aanan la Xaqiijin oo ay Xafiiskeena Muqdisho   heleyso waxay sheegayaan inuu jiray xidhiidh In muddo ah soo jiitamayay  oo ka dhexeeyay  Sheekh Xasan Daahir Aways iyo Dowladda Qadar, hishiiskaasi oo la doonayay in Sheekh Xasan Daahir looga saaro  Al-Shabaab, isla markaana loo dhoofiyo Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar halkaas oo uu wadahal kula gelayo DF-ka si caalamka loogu muujiyo in xukuumadda Curdunka ah ay waxbadan dhaanto xukuumadihii fashilmay inkastoo Sheekh Xasan Marar badan arrimahaasi iska fogeeyay.

Ma jiro wax hadal ah oo illaa hadda kasoo baxay Mas’uuliyiinta Al-Shabaab oo ku aadan bixitaanka Qarsoodiga ah ee Xasan Daahir Aways oo dhowr jeer oo hore dhaliilo usoo jeediyay Kooxda , inkastoo hadallaadaas uu wax badan Saxaafada ka sheegayay aysan jirin wax saamayn ah oo ay Kooxda  ku lehayd.

Salaanmedia/Mogdisho