War Deg-dega:Nin Jaadle Ka Ahaa Magaalada Xariirad Oo Caawa Fiidkii Dil Toogasho Ah Lagu DIlay

War Deg-dega:Nin Jaadle Ka Ahaa Magaalada Xariirad Oo Caawa Fiidkii Dil Toogasho Ah Lagu DIlay

June 17, 2013 Xariirad(SM) – Warka naga soo gaadhaya magaalada Xariirad ayaa wuxu sheegayaa in caawa xilli saacadu ku beegnayd 8-dii habeenimo dablay aan la aqoonsanin ay ku toogteen magaaladaa nin magaciisa la odhan jiray Daahir Yuusuf oo ku magac dheeraa “Tareeso Liqe”. Warkan ayaa sheegaya in uu isla goobtii ku geeriyooday ninka la dilay oo ahaa Jaadle ku iibiya qaadka magaaladda Xariirad. Dilkan ayaa loo aanaynayaa in uu ku xidhiidho aano hore oo ku arooraysa, dil hore uga dhacay magaaladaa, kaas oo aanay xukuumadda somaliland u helin wax xal ah. Ma jirto illaa hadda cid sheegatay fulinta dilkaa.

 

Xigasho

Cadceednews

Comments are closed