Warsaxaafadeed Ay SooSaareen Xisbiga UCID- Ujeedo: Qaadashada Kaadhka Aqoonsiga ee Xisbiga UCID.

JAMHUURIYADA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID

Justice & Welfare Party

Ujeedo: Qaadashada Kaadhka Aqoonsiga ee Xisbiga UCID.

Waxa aanu ugu bushaaraynaynaa dhamaanba taageerayaasha xisbiga UCID meelkasta oo ay joogaanba in loo dhamaystiray kaadhadhkii aqoonsiga xubin-nimada xisbiga ee aynu mudada dheer sugaynay. Laga bilaabo maanta waxa aanu si sharaf leh ula socodsiinaynaa dhamaanba xubnaha xisbiga UCID, dal kasta oo ay dunida ka joogaanba in ay ka qaadan karaan kaadhka aqoonsiga xubinimada xisbiga UCID xafiiska gudoomiyaha dalka uu joogo/ay joogto xubintaasu.

Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 28kii July 2013 warqadda keli ah ee cadaynaysa xubin-nimada xisbiga UCID, waxa uu noqondoonaa kaadhkaas cusub nuqulkiisa ama numberka tixraaciisana lagu hayndoono xarunta dhexe ee xisbiga. Kaadhkan xubinimada waxa bixin kara oo keli ah Gudoomiyaha kolba dalka laga bixinayo. Gudoomiyayaasha dalalka waxa kaadhkooda bixindoona oo keli ah Xoghayaha Guud ee xisbiga. Sitaha kaadhka aqoonigan waxa uu yeelanayaa dhamaanba xuquuqdii xubinimo ee xisbiga.

Wixii su’aalo ah ee kasoo kordha arrinka bixinta iyo/ama qaadashada kaadhka aqoonsiga waxa aad lasoo xidhiidhi kartaan Xoghayaha Guud ee xisbiga ama Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga: : Email: UCIDInternational@gmail.com

Note: Kaadhka aqoonsiga ee ku lifaaqan waa kan u gaarka ah xubnaha dalka Australia, waxaanse idiinku soo gudbinay si aad u aragtaan aragtida guud ee kaadhka aqoonsiga xisbiga UCID.

Guul iyo Gobonimo

Yusuf Budle

UCID Secretary General for Foreign Affairs & International Relations