Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ugu baaqday dowladda South Africa badbaadinta

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ugu baaqday dowladda South Africa badbaadinta nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho Kusimaha Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ambassador Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda South Afrika inay ka shaqeyso badbaadada nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed .

DSC00527

Danjire Cabdisalaam , waxa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay wafdi u diri doonto wadankaasi , si wax looga qabto dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida .

Shirka Jaraa’id oo ku qabsoomay Xarunta Wasaaradda , ayaa waxa Kusimaha Xoghayaha Joogtada uu aqriyay war- saxaafadeed-ka Wasaaradda oo ah sida hoos ku xusan :

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya , waxa ay aad uga xun tahay dhacdooyinka murugada leh ee lagu dilay , laguna dhaawacay muwaadiniinteeda, hantidoodana lagu boobay  intii ay socdeen rabshado is xig-xiga oo ka dhacay Magaalooyinka Pretoria,Diepsloot iyo deegaanka Booysens Park oo ka tirsan Port Elizabeth ee dalka South Africa .

Wasaaraddu , waxa ay ka muujineysaa dareen naxdin leh falka dhagaxa loo adeegsaday ee lagu silac dilay 29 –kii May  muwaadin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, goobtiisa ganacsigana lagu boobay , si la mid ah waxaa isla deegaanka Booysens Park ee Magaalada Port Elizabeth oo dhacdadani argagaxa leh ay ka dhacday lagu boobay dhammaan  rugaha ganacsi ee Soomaalida.

Wasaaraddu , waxa ay dib u xusuusineysaa shacabka iyo dowladda South Africa taageeradii gumeysi diidka ahaa,taa badalkeeda aaney maanta fileyn Soomaaliya in dadkeeda lagu gumaado wadankaasi oo  loola bareero dil , kufsi, boob iyo barakicin , waxaan u aragnaa nasiib darro ,  qalbigeenuna wuxuu tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska iyo dhibanayaasha Soomaaliyeed , sidaas darteed , Wasaaraddu waxa ay ku dhawaaqeysaa qodobadan :

1-     waxaanu garab taaganahay muwaadiniinteena ku dhibaateysan dalka South Africa.

2-     Waxaanu ka codsaneynaa dowladda iyo shacabka South Africa inay is garab- taagan dadka Soomaalida ah ee wadankooda ku nool , ayna xil iska saaraan badbaadada naftooda iyo hantidooda.

3-     Waxaanu ugu baaqeynaa dowladda South Africa inay gacan bir ah ku qabato dhammaan dambiilayaasha caadeystay falalka bani’aadanimada ka baxsan ee fuleynimada leh ,kana dhanka ah dadka Soomaalida ah , ayna horgeyso maxkamad , si loogu xukumo ciqaabta dambiga ay galeen.

4-     Waxaanu ugu baaqeynaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool South Africa inay xushmeeyaan sharciyada kala duwan ee ka jira dalka South Afrika.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Salaanmedia/Mogdisho