(SM:Hargaysa)Sidoo kale, Cabdisalaan Ibraahim Hereri ayaa isaguna bogaadiyay Wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay inuu u rajaynayo inuu xilkan ILAAHAY u fududeeyo.
“Waxaan Wasiirka cusub u soo jeedinayaa inuu ku dedaalo sidii is-faham looga gaadhi lahaa cabasho badan oo beryahan dambe ka soo yeedhaysay saxaafadda madaxa-banaan, waana Wasiirkii ku haboonaa ee arrimahaasi wax ka qaban lahaa,”ayuu yidhi C/Salaan Ibraahim Hereri.
Mr. Hereri waxa uu sheegay in Wasiirka cusubi uu yahay nin waayo arag ah oo saxafi ah isla markaana wax badan ka yaqaana hanaanka ay u shaqayso saxaafadda caalamiga ahi.