Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Muxuu Ka Yidhi Heshiiskii Urur Siyaasadeedka XAQSOOR.??

(SM-Hargaysa)Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa guul ku tilmaamay heshiis iyo is-af-garad xalay dhex maray xukuumadda Somaliland Iyo Urur siyaasadeedkii XAQSOOR ee lagaga badiyay tartankii doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee dalka ka dhacday dabo-yaaqaadii kal-hore.

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaasi sheegay qoraal kooban oo uu xalay cawayskii ku baahiyay barta uu Internet-ka ku leeyahay ee guusha.com.

“Waa Ilaahay Fadligii Haddii la soo Af-jaray Xanaftii ka dhalatay Doorashooyinkii Dalka ka Qabsoomay.

Waa Sunaha doorashooyinka in marka la tartamo ay iman karto xanaf iyo tabasho, in muddo laga joogo waxaa tabashooyin badan tirsanayey Ururkii dhacay ee Xaqsoor, taasi oo keentay kala irdhow badan inuu soo kala dhex galo Ururkaas hore ee Xaqsoor iyo Xukuumadda,”Ayuu yidhi Qoraalkiisa ku yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

Wasiirka Madaxtooyadda oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Dedaalo badan oo la sameeyey waxaa xalay farxad ah in ay ku soo afjarmeen is-garad iyo is-fahan.. Somaliland guul iyo gobonimo.”

Salaanmedia/Hargaysa