Wasirada Arrimaha Dibada Kenya & Somalia Oo Ku Kumay Casimada Kenya

Salaanmedia, 1 June Wasiirada Arrimaha dibada wadamada Kenya Amina Mohamed Iyo Somalia Fawsiya Yusuf Xaaji Adam ayaa ku  kulmay wadanka Kenya Casimadiisa Nairobi .

aamina_fawsiya

Kulanka Wasiirada ariimaha dibada Kenya & Somali ayaa ah kii ugu horeyay ee Laba Masuul oo Haween ah oo kala matalay wadamasi ay ku yeeshan Xafiis Dawladeed iyagoo diirada lagu sarayay kulankan Xal u helida Khilaafka soo Kala Dhex galay Dawlada Somalia iyo Kenya ee Maamulada Gobolada Ciidanka Kenya Ay ka xoreyeen Kooxda Al shabab kasoo labada wadan ku  kala Aragti Duwan yihiin .

Sidoo kale Waxay labada dawladood isku maan dhafsan yihiin maamulida Dakada Kismaayo iyo Maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo  Balse labada wasiir ayaa isla lafa guray arrimo badan oo kamid yihiin Arrimaha Labada Dawladood isku maandhafsanyihiin.

Salaanmedia/Mogdisho