Waxa ku soo foole Geeska Africa dagaal qadhaadhoo dani ugu jirto Somaliland

                      

maqaal  بسم الله الرحمن الرحيم          

ASSALLAAMU CALAYKUM WARAXMA TULLAAHI WA BARAKAATU

 Ka dib salaantaa islaamka manta waxaan doonayaa in aan bal intii karaan kayga ah iftiimiyo l sida ay iila muuqato siyasadda gobolkan aynu ku noolahay ee geeska Africa iyo waxa ku cusub

Hadaba akhristoow intaanan waxba u gudo gelin fikradayda aan ka qabo waayaha siyaasadda iyo mawjadeheeda hadba soo laba kaclaynaya ee ka curtay gobolkan aynu degennahay ee rabigeen inagu uumay aan su,aal ku weydiiyee

1 ma u malaynaysaa in ay Somali land heli doonto Aqoonsi Labaatanka sano ee soo socda?

B sidaadse filaysaa habkee ama wadadee ayaa aynu ku heli karnaa aqoonsi?

C mase u malaynaysaa in aynu kaba maarmi karro Aqoonsi inta cid dan inaga lihi inoo imanayso oo aynu dantooda kaga iibsano aqoonsi ay ina siiso?

 

Waxa laga yaabaa in aynu in badan su,aalahan iyo qaar la mid ah is weydiino oo ay kuligeen inaga guuxayaan hadaba aniga manta waxa ii muuqata jawaabtii su,aalahaas oo dhan soo koobaysey ee ka jawaabeysey aqoonsi deg deg ahna aynu ku heleyney iyo ifafaaleheedii oo ah

Waxa jirta maah maah carabi ah oo odhanaysa hadii ay belaayo ku dhacdo cid cid kale ayay faa,iido u tahay), hadaba sidaadaba waxaad ogaataa akhristaha REER Somali lanoow in uu ku xidhanyahay Aqoonsigeenu kolba sida aynu ugalasoo baxno REER wala weyn markaan leeyahay reer walaweyn waxaan u jeedaa wixii somaalida talyaaniga loo yaqaaney iyana way ku adagtahay in ay iyagoo nabad qaba ku yidhaahdaan waanu ku Aqoonsanay oo waa sacab timo ka eeg

Laakiin waxaynu ku heleynaa Aqoonsi ay ina aqoonsadaan reer somaliya dariiqii aynu ku helay xornimadeenii aynu tuurray 1960kii  ee aynu kula soo noqonay 1991 kii kaas oo ah dagaal iyo Qori caaradii dagaal kaasna manta waxa muuqda bilawgiisii waxaana  ka qarxaya geeska Africa dagaal laba dhinac ku bilaabmaya oo ah masar iyo Ethiopia kuna salaysan biyaha webiga nile ka ee ay Ethiopia dhaamka ama biyo xidheenka ka samaysatay hadba masar oo dooneysa in ay Ethiopia weerarto ayaa u sii maraysa somaliya oo ku adeeganaysa inagana hadaynu nahay reer Somali land dabku wuu inasoo gaadhayaa oo bogcadda aynu ku noolahay masar iyo xamar  toona ka maarmi maayaan kolka dagaalkaasu bilaabmo sidaas oo kale Ethiopiana inaga maarmi mayso dagaalkuna waxa uu ku bilaabmi sifahaas laakiin wuu ballaadhanayaa oo masar carabtaa taageeri doonta Ethiopiana wxa taageeri Israel  iyo REER galbeed inana waxaynu ku yeelan door strategic ah oo muhiim ah dabadeed waxa inagu waajib noqonaysa cadawgaa cadawgii waa saaxiibkaa ee aynu ka faa,iideysanno dhaq dhaqaaqyadan socda oo dirir horteed hub samaysano Ethiobiana u balan qaadno taageero buuxda lana galno heshiis military oo buuxa,

Iyo in aynu siinayno fadhiisimoo difaac oo ay ka illaaliso in aanay masar ka soo gelin red sea da ama badda cas

Hadaba bal aan iyana is weydiino doorka  ay jabuuti ku yeelan karto dagaalkaas iyo saamaynta uu inagu yeelan karo ficil kasta oo ay dawladdan aynu jaarka nahay ee jabuuti ka qaadato arrintaas

 

Doorka jabuuti noqon mayo wax weyn oo sidaa u sii muhiim ah inagoo og in aanu ina cumar geelle jeclayn Somali land doonayna in ay aqoonsi hesho xidhiidh dhawna uu la leeyahay dalka somaaliya taariikhduna qirsantahay saaxiibti nimadii ina cumar geele iyo maslax maxamed siyaad barre ka dhaxaysey xiligii ay labaii oday ee xijaabtey ka talin jireen somaliya iyo jabuuti oo labadan wiilna loo carbinaayey inay bedellaan odayaashaas hoydey inagoo og sida ina cumar geele carabta ugu xidhan yahay hadana waxa uu ku jiraa libaax labadiisa daan oo Ethiopia dagaal cad la geli kari mayo ficilka keliya ee uu samayn karaa waa inuu xidho xadka Somali land iyo jabuuti u dhexeeya xataa ka u dhexeeya Ethiopia iyo jabuuti ma taaban karo

SAMO FAALLAYSEE XUMO FAALLEE

Hadaba waxa hubaal ah hadii aan masar marakanku inta uu Saudi Arabia soo maro aan lagu qancinin inay arrintaa faraa kala baxdo oo loo aamuso in uu dagaal faraha lagaga gubtaa ka qarxi doono gobolkan hadaba maxaa dhacaya hadii aynaan Ethiopia la xuluf noqonin dagaal kana aynaan gacan ka siinin ee aynu ka aamusno amaba aynu iska dhigno dhex hdexaad oo labada qoloba ka gaabsanno?

Taasu waxay horseedeysaa oo soo dedejineysaa geerida xornimadda iyo jiritaankii Somali land, mana aha wax shaki ku jiro oo waa wax cid waliba garan karto oo iska cadaan ah hadaba qof kasta oo reer Somali land ah waxa waajib ku ah in uu u diyaargaroobo marxaladaas kala guurka ah ee inagusoo foolle 

 

WALAAC IYO WERWER

Waxa aan aad uga wallaacsanahay ama Qofkasta oo Reer Somali land ahi ila qabaa  oo ka wer wer qabaa inay xukuumadeenu la jaan qaadi kaari weydo siyaasadahan is bedbedelaya ee gobolka ka soo cusboonaaday gaar ahaan wasaradeena arrimaha debedda ee aan xafiiska lahayn ee  ku kooban shandadda uu laalaadsanayo maxamed cabdillaahi cumar iyo go,aan qaadasho dhiirran oo aan ka muuqanin  guud ahaanba siyaasadda dawladeena taana waxaan kaga  ledayaa  nin illaahay aaminsan looma dardaar weriyo.

 

 

ASC WR WB

WA BILLAAHI TAWFIIQ

XUSEEN XIRSICAAMIR CALI

EMAIL INACAAMIR1960@HOTMAIL.COM

08/06/2013