“Waxaan Leeyahay Madaxweyne Wasiirnimada Cukuse Halkaa Waad Asiibtay Oo Lamaad Seegin ,Aadna Waannu Kuugu Mahad Naqayna”. Guddoomiyaha SOLJA

(SM-Hargaysa) Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay inuu Wasiirkii ku haboonaa oo suxufi ah u magacaabay Wasaaradda Warfaafinta.

Guddoomiyaha SOLJA waxa kale oo uu tallooyin iyo dardaaran u jeediyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Md.Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu sidaasi ku bayaamiyay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamuuryadda Somaliland Mudane Amed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xalay soo saaray Digreeto madaxweyne oo ku saabsan isku shaandhayn uu ku sameeyey Golihiisa Wesiirrada, kuwaasoo isugu jirey, Masuuliyiih cusub oo la magacaabay, kuwo isku beddel lagu sameeyey iyo Kuwo shaqada laga fadhiisiyey, isku shaandhayntan oo in muddo ahba la sugaayey inuu madaxweynuhu sameeyo, Bulshaduna ay toddobaadkii u dambeeyey aad u hadal haysey ayaa isla markii ay soo baxdayba Ruuxba si uga faallooday Mid amaanay iyo mid saluugayna dadku way leeyihiin, oo qofba kaskiisa ayuu kortagaa, Balse anigu uma jeedo inaan faallo ka bixiyo ee halka aan u socdaa waa Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyi Gelinta Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Run ahaan madaxweynaha Qaranka aad baan ugu hambalyeynayaa

Magacaabista uu wasaaradda Warfaafinta u magacaabay Mudane Cabdillaahi-Cukuse, waxaanan leeyahay Madaxweyne Halkaa waad asiibtay oo lamaad seegin aadna waannu kuugu mahad naqaynaa, mar labaad iyo mar saddexaadna waad ku mahadsan tahay magacaabista wasiirka warfaafinta.

Dhinaca kale inta aanan la dardaarmin wasiirka cusub, aan wax yar milicsado sooyaalkiisa oo weliba aan ka soo bilaabo meel dhow oo ah sannadkii 1982kii, Xilligaasna waxaan ahaa Arday wax ka dhigta Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali, Cabdillaahina waxa uu ahaa macalinkayagii noo dhigi jirey Fisigiska, isagoo ku jira Hawl-gudashadii loo yaqaaney shaqada Qaranka, sannadkii ku xigey waxuu galay Jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed ee Gahayr, gaar ahaan kulliyaddii dhaqaalaha oo uu ka baxay dabayaaqadii siddeetameeyadii, wax yar ka dibna waxa uu ku biiray Dhaqdhaqaaqii hubaysnaa ee SNM, oo uu ka ahaa xubin aad u firfircoon, safka horana wuxuu kaga jirey raggii aasaasay Idaacaddii (Radio SNM) ee codkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed, waxaanu ka soo qabtay Xilal kala duwan.

sidoo kale Xorayntii waddanka ka dib waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Agaasimaha waaxda idaacadda, iyo Agaasimahii guud ee wasaaradda warfaafinta oo ahayd xilligii dawladdii Cabdiraxmaan Axmed Cali, xilligii dawladdii Maxamed xaaji Ibraahin Cigaalna waxa uu noqday Ku xigeenka Duqa Caasimada Somaliland ee Hargeysa, sidoo kale waxa uu noqday Xoghayaha Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa, markaa ka dibna waxa uu noqday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda.

Balse markasta waxa uu ahaa suxufi aad u daneeya Mihnadda saxaafadda, oo aan marna ka dhex bixin, wuxuu ahaa weriye aad ugu wanaagsan soo saarista Barnaamijyada iyo tebinta wararka iyo barnaamijyada, door weyna kasoo qaatay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay saxaafadda Somaliland illaa hadana ku jira mar uu madax ka ahaa iyo mar uu suxufi caadiya ahaaba, Taariikhdaas dheer waxaan u xusaynaa waxa weeye inaan tilmaamo, Cabdillaahi in uu yahay Ruux aad ugu habboon xilka qaran ee loo magacaabay.

Run ahaanna garan maayo cid aan maanta idhaahdo way kaga habboonayd, sababna waxaan uga dhigayaa:-

1- maaddaama uu yahay nin sida ugu fiican u garanaaya shaqada warbaahinta iyo dadka ka shaqeeya labadaba,

2- maadaama uu yahay nin xog-ogaal u ah xilliga maanta la joogo iyo mid horaba, Xaaladda ay ku sugan tahay saxaafadda dalkeennu, oo aanay wax ku seegani jirin haba yaraatee. Waxaanan aaminsanahay inay Saxaafadda dalku u baahnayd in mid iyaga ka mid ahi uu noqdo masuulka ugu sarreeya Warbaahinta qaranka.

Gees kale haddaan u leexdana Md, Cabdillaahi-Cukuse waxa looga fadhiyaa, wax aan looga fadhiyin raggii isaga ka horreeyey, sababtuna waa tii aan soo sheegay, Sidaa darteed Mudane wasiir waxa lagaa sugayaa inaad u hawl gasho sidii ay saxaafadda iyo suxufiyiinta Somaliland halkan maanta uga horumari lahaayeen, waxa lagaaga fadhiyaa inaad kalsooni ka dhex abuurto dhammaan saxaafadda dalka ka jirta, waxa lagaa sugayaa inaad gacan qabato

Ururrada saxaafada.

waxa lagaa dhawrayaa inaad si dhakhso ah uga hawl gasho Khilaafka u dhexeeya saxaafadda iyo xukuumadda oo aad abuurto isfahan dhex mara oo dalka iyo dadkuba u aayaan, waxa lagaa filayaa inaanad kala dhawaysan warbaahinta dawliga ah iyo tan madaxa bannaan oo aad maanka ku hayso inaad Wasiir u wada tahay.

waxa lagaa eegayaa inaad jeexdo tub cusub oo lagaga baxo tan maanta lagu jiro, waxaanan aad kuugula dar daarmayaa inaad maanka ku hayso inaanay saxaafaddu kuu arkaynin sidii ay u arkeysey Wasiirradii kaa horreeyey, Waxaanad ogaataa inaanu si weyn kuugu tuhmeyno inaad wax badan nagu soo kordhin karto, haddii aannu kugu hungownana inay taariikhda Saxaafaddu si gaara kuu xusi doonto. Qoraalkaygana waxaan kaga baxayaa Tuducyadii Qaasim ee ahaa

Nolosha gebigeedo dhammi waa, Gole Ciyaareede

Gardarriyo xumaan iyo Samaan, Gees ay noqotaaba

Qofba wuxuu dadwenaha Gashaday, Gumaradeed Maalye

Ninba Geedka uu beertaybuu, Goosan Midhihiiye

Go’aan keeduna waa sheekadoo, Geleysa Taariikh.”

 

Xasan Maxamed Yusuf