“Waxaan Shacabka U Ballan Qaadayaa In Aan Ugu Shaqayn Doono Si Cadaalad Ah ,Waxaanan Bulshada Ka Ilaalin Doonaa Saddex Shay” Cali Warancade

June 29, 2013 Hargaysa(SM)Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancadde ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Wasiirkii Hore Dr Maxamed Nuur Carraale “DUUR”, waxaanu halkaas ka jeediyay khubad taabanaysa dhinacyo badan, isaga oo ugu mahad-naqay Madaxweyne Siilaanyo, Wasiirkii hore iyo shaqaalaha wasaaradda.

“Iyada oo uu xilkani yahay mid ballaadhan waxa aan Madaxweynaha Somaliland uga mahad-celinayaa inuu xilkan ii gartay iina magacaabay, waan ku garab-galayaa. Maanta sida uu Wasiirkii Hore sheegay waxa bilaw ah xil cusub, oo adag oo qofka wasaaraddan loo magacaabo laga doonayo sidii u dhaqaajin lahaa. Waxaan uga mahad-celinayaa Md. Duur sida wanaagsan ee uu shaqadiisa u gutay. Shaqaalaha wasaaraddana waxa aan ku bogaadinayaa sida fiican ee ay shahaado-maamuus ugu sagootiyeen Wasiirkii Hore, waxaanay muujinaysaa inay dad wanaagsan yihiin”ayuu yidhi Wasiirka cusubi ,

Md Warancadde waxaa uu sidoo kale sheegay inuu bulshada u shaqayn doono isaga oo raacaya saddex qodob, kana fogaanaya saddex arrin oo dhib leh waxaanu yidhi “Waxaan shacabka u ballan-qaadayaa inaan ugu shaqayn doono si xilkasnimo ah, caddaalad iyo sinnaan leh. Waxaanan bulshada Somaliland u ballan-qaadayaa inaan ka ilaalin doono saddex shay oo kala fogayn kara oo kala ah eexda, qabyaalladda iyo nin-jeclaysiga”  Wasiirka cusub ayaa sheegay inuu dhawri doonno xorriyadda saxaafadda, isla markaana digniin adag u diray dadka nabad-gelyada dhaawaca waxaanu yidhi “Waxaannu dhawri doonnaa xorriyatul-qawlka, madax bannaanida saxaafadda iyo xuquuqal insaanka. Waxaannu si balaadhan uga hortegi doonnaa dhaqan xumada ay dadka wax-ma-garatada ahi wadaan ahna in dhallinyaro qayru masuul ahi waddooyinka isu taagaan dumarka, carruurta iyo waayeelka.” Md Warancadde ayaa ballan-qaaday inay la shaqayn doonaan madax-dhaqameedka, kuna dedaalayaan shaqo-abuurka iyo joojinta tahriibka, sidoo kalena ay musuq-maasuqa si adag meesha uga saarayaan iyaga oo raacaya hab qarsoon oo lagu ogaado masuulka caadaysta lunsiga hantida ummadda.Khudbaddii Wasiirka oo ahayd mid dhinacyo badan taabanaysa ayaa ballan-qaaday inay ka shaqayn doonaan horumarinta Caasimadda iyo magaalooyinka kale ee dalka iyaga oo kaashanaaya  maayarrada iyo badhasaabada waddanka, isaga oo bulshada u soo jeediyay inay wada jir isaga kaashadaan ambaqaadka geeddiga lagu kobcinayo horumarka Somaliland.

 

Salaanmedia/Hargaysa Office