XILKA QAADISTII WASIIRKII HORE EE ARIMAHA GUDAHA SOMALILAND OO BANAANKA SOO DHIGTAY KHILAAF MUDABA KALA DHEEXAY MADAXWAYNE SIILAANYO MAAMULKA MADAXTOOYADA.

duur

SM/ Wasiirkii hore Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale- Duur oo Dhawaan Xilka Laga Qaaday ayaa Waxa Soo ifbaxday Khilaaf Balaadhan oo Kala Dhexeeyay Madaxwayne Siilaanyo iyo Maamulka Madaxtooyada Somaliland Tan iyo Bilawgii Sanadka , Khilaafkan ayaa Ku Saabsanaa Wasiir Duur oo aan Madaxbaanin Balaadhan u Haysan Xilka uu Kumagacawnaa Balse ay Maamulkiisa laga Soo Bixin Jiray Madaxtooyada Iyada oo Maamulka Wasaarda Arimaha Gudaha ay Gacanta ku jirtay Marwada Madaxwayne Siilaanyo iyo Wasiir Xirsi oo inta Badan Amri jiray Hawl galada Ay Wasaarada Arimaha Guduhu Qaado Sida ay Tilmaamayaan Xogo Hoose oo laga Helay Khilaafka Kadhexeeyay Siilaanyo iyo Wasiir Duur.

  

Xogtan ayaa intaas Ku Dartay in uu Wasiir Duur Ashkato ula Tagay Madaxtooyad Iyo Madaxwayne Siilaanyo si uu Xilkiisa ugu madaxbanaanaado Balse Taas Waxa ku Gacan Saydhay Madaxwayne Siilaanyo oo Ku Adkaystay in Maamulka Dhabta ahee Wasaarada Arimaha Guduhu ay Gacanta ugu Sii Jiridoonto Madaxtooyada.

 

 Dhankale Khilaafka ayaa Sii Balaadhay Markii uu Wasiir Duur Diiday in uu Xukuumada Kadifaaco Dhaliilo iyo Canbaarayn uga Iman jirtay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Ururkii Hadhay ee Ummada kuwaas oo ay Hayb Beeleed Wadaagaan Wasiir Duur Halkaas oo ahayd Meeshii uu kabilaabmay Khilaafkii Wasiir Duur iyo Maamulka Madaxtooyada.

 

Xogahan ayaa Timaamaya in uu Wasiir Duur Dalbay in Xilka Laga Badalo ama uu iska Caliso Dhawr Bilood Kahor Markii Hawl Galo ay Ciidanka Boolisku Qaadeen oo laga Soo Amray Madaxtooyada iyada oo aan lagu Wargalin Wasiir Duur iyo maamulkii Kahooseeyay toona.

 

Balse Madaxwayne Siilaanyo ayaa Kadalbaday in uu Xilka ku Sii Simo inta uu Cid Uradinayo

 

Xogtan ayaa Banaanka Soo Dhigtay Sida Maamulka Wasaarada Arimaha Gudaha ay Gacanta Ugujirto Wasiir Xirsi iyo Marwo Amina Waris, Waxana iswaydiin Mudan sida uu ula Shaqayn Doono Wasiirka Cusub ee Loogamacaabay Wasaarada laga maamulo Meelo kale.?

 

 Salaanmedia/Hargaysa

 

Xigasho..Somalilandlive.com