XISBIGA UCID OO DACWAD HORGEEYAY GOLAHA BAARLAMAANKA EE MARAYKANKA.

image
XISBIGA UCID OO DACWAD HORGEEYAY GOLAHA BAARLAMAANKA EE MARAYKANKA.

 

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UCID Mudane Yusuf Budle: Anagaa u maqan Somaliland, hagrana mayno..

Xoghayaha Guud ee Arrimimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga UCID, Mudane Yusuf Budle ayaa maalintii ay taariikhdu ahayd 4tii June 2013 u gudbiyay dacwad dheer golaha baarlamaanka ee dalka Maraykanka. Dacwadaas oo difaacaysa qadiyadda gooni isu taaga Somaliland waxa uu nuxurkeedu ku salaysnaa saddexda qodob ee kala ah (1) Arragtida wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ee ah in beesha caalamka ay ugu badinayso Soomaaliya oo midowda ay tahay figrad qaldan ayna soo alooseen dalal dano gaar ah ka leh Soomaaliya, sida dalalka Carabta oo ay u horayso dawladda Masar. 

Waxa ay dacwadaasu si dheer u tibaaxaysaa colaadaha u dhexeeya Masar iyo Ethiopia ee ku salaysan webiga Nile-ka, iwm., iyo weliba hubka tirade badan ee ay Masar haatan ku gurayso Muqdisho iyadoo raacisay tababarayaal u badan jeneraalo xag-jir ah oo aad uga soo horjeeda danaha dunida reer galbeedka. 

(2) In lacagta tirade badan ee Bilyanada ah ee lagu bixiyo nabadaynta Soomaaliya ay tahay lacag ay leeyihiin cashuur bixiyayaasha Maraykanka (Tax payers money) oo si qaldan loo maamulo, run ahaantiina ku dhacda gacmo cadaw u ah dadka iyo dalka Maraykankaba. Waxa qaybtan si dheer loohgu qaadaa dhigay in ay ilaa hadda soo mareen ugu yaraan 5 dawladood oo ku meel gaadh ahaa oo mid walba lagu bixiyay balaayiin doolar, dalka maraykankana ay kaga dhinteen ciidan, shicib iyo weliba sirdoon aad u tiro badan, laga soo bilaabo mashruucii Restore hope ilaa qafaalka joogtada ah ee ay Al Shabaab ku hayso dadka sita ama u dhashay dalkan Maraykanka. Waxa dacwadan lagu sheegay in 22kii sanno ee u dambeeyay Somaliland aanay jirin hal qof oo loo dilay ama loo qafaalay nacayb loo qabo dadka reer Maraykan, sidaasooy tahay hadana Somaliland ka qatan tahay Bilyanada doolar ee lagu bixiyo ilaalinta nabada geeska Africa. 

(3) Qodobka ugu muhiimsan ee dacwadan ayaa ahaa qodobka run ahaan ugu horeeyay dacwada oo doodiisu ahayd: Mustaqbalka soo socda, gaar ahaan 25ka sanno ee soo socda waxa ay dawladda iyo dadka reer maraykan ugu badinaysaa aqoonsiga Somaliland, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo nabadgelyo ahaanba, taas oo si qoto dheer loogu lafa guray kaalinta ay Somaliland oo la aqoonsadaa ka geli karto la dagaalanka argagixisada, budhcad badeeda iyo weliba ka maaranka dalal badan oo hadda Maraykanku kaga kiraysto fadhiisimo ciidameed lacag aad u badan. 

Haddaba maanta oo Jumce ah, 7dii June, ayaanu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UCID la yeelanay waraysi ku saabsan arrintaas, su’aashii ugu horaysay ee aanu weydiinanayna waxa ay ahayd: Maxaa xisbi ahaan idinku dhaliyay in aad hawshan imika ku dhaqaaqdaan ee aydaan hore ugu dhaqaaqin, waxana uu ku jawaabay: Anagu ma nihin dawladdii Somaliland, laakiin ka xisbi ahaan mar walba waxa aanu ka faa’iidaysanaynaa xaalad kasta oo jirta oo aanu u aragno in aanu uga faa’iidayn karno dalka iyo dadkayagaba. Isaga oo sii wata hadalkiisana waxa uu yidhi: Anigu hadda waxa aan xilkan hayaa mudda bil ka yar, run ahaantiina dacwaddan salaasaddii ina soo dhaaftay aanu xeraynay waxa aan kasoo shaqaynaynay tan iyo maalintii u horaysay ee xilkan la ii idmaday, waxana nala shaqaynaya saddex looyar oo caan ah oo aqoonsiga Soomaliland nala qaatay in ay muhiim u tahay nabadgelyada caalamka iyo weliba gaar ahaan tan Maraykanka, markaa ma aha wax aanu iska ordayno oo aanu indho laa’aan iskaga socono. 

Yusuf oo aanu weydiinay xafiiska uu ka xereeyay dacwadan ayaa noo sheegay in uu yahay xafiiska Gongressman Eric Paulson, oo kasoo jeeda xisbiga Republicanka, kana mid ah gudihoosaadka golaha baarlamaanka ee qaabilsan arrimaha Caafimaadka, dhaqaalaha, ganacsiga iyo canshuuraha (Ways & Means Committee). Sababta aanu xafiiskan u dooranayna waxa weeyi maadaama uu ka mid yahay gudiga go’aamisa arrimaha ganacsiga iyo weliba dhaqaalaha oo ah meesha ugu weyn ee Somaliland cuno qabatayntu ka saran tahay. 

Waxa kale oo uu Yusuf noo sheegay in xubno tiro badan oo ka socda golaha baarlamaanka ee dalkan Maraykanka oo uu ka mid yahay Congressman Eric Paulson ay bisha sideedaad ee sanadkan tegidoonaan magaalada Addis Ababa, arrimaha socdaalkoodana ay ugu muhiimsan tahay xal u helidda arrinka webiga Nileka ee u dhexeeya Etiopia iyo Masar, taas oo Somaliland u noqon karta fursad ay ku burburiyaan dacaayadaha ay Masar la hor fadhiday caalamka 22kii sanno ee ugu dambeeyay. Waxana aanu ka shaqaynaynaa siddii xubnahan baarlamaanku Addis Ababa ugula kulmi lahaayeen Madaxweynaha Somaliland, haddii Alle yidhaa, ayuu Yusuf yidhi. 

Ugu dambayn waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee xisbiga UCID noo sheegay in maalintii khamiistii ee ay bishu ahayd 6dii June, 2013 uu marti qaad rasmi ah ka helay saddex xubnood oo ka tirsan golaha Baarlamaanka ee dalka Maraykanka ayna ka codsadeen in uu dhamaadka bisha July yimaado xarunta weyn ee baarlamaanka si uu uga siiyo warbixin dheeraad ah oo ku saabsan arrinta Somaliland, laakiin aan wax faahfaahin ah oo intaa dheer aan laga siinin aananu ogayn in ay tahay mid albaabadu u xidhan yihiin iyo mid kale. 

C/Casiis Maxamed Buubaa 
Minneapolis, MN USAÂ